Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye Tuulax oo kormeeray Xarumaha Degmooyinka Xamar Jajab, Xamar weyne & Waaberi (SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Gudoomiye Tuulax oo kormeeray Xarumaha Degmooyinka Xamar Jajab, Xamar weyne & Waaberi (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye Ku xigeenka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir
Maxamed C/laahi Tuulax ayaa maanta kormeeray Xarumaha Saddex Degmo oo
ka mid ah Gobolka Banaadir.

Xarumaha uu kormeerka ku tagay Gudoomiye Tuulax, ayaa waxa ay kala
yihiin Degmooyinka Xamar weyne, Xamar Jajab & Degmada Waaberi halkaasi
oo uu ugu kuur galaayay qaabka shacabka Degmooyinkaasi loogu adeego
iyo hanaanka ammaanka Degmooyinkaasi uu yahay.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Gudoomiye Tuulax ayaa la sheekeystay qaar ka mid ah Shaqaalaha
Xarumaha Degmooyinka oo uu waydiiyay sida shacabka ay ugu adeegaan,
waxaana uu kula dar daarmay inay sii laba jibaaraan shaqada Bulshada
ay u hayaan ee ah u adeegida shacabka Soomaliyeed.

Kormeerka ayaa ka bilowday Degmada Xamar weyne, halkaasi oo maamulka
Degmada & Shaqaalaha si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen Gudoomiye Ku
xigeenka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed
C/laahi Tuulax, kadibna ay uga warbixiyeen sida shacabka ugu adeegaan.

Sidoo kale Degmooyinka Xamar Jajab & Waaberi ayuu si la mid ah Degmada
Xamar weyne kormeerka ugu tagay, halkaasina si wanaagsan ugu soo
dhaweeyeen Shaqaalaha & Maamulka Xarumahaasi.

Gudoomiye Tuulax ayaa saddexda Degmo ee uu tagay Maamulka & Shaqaalaha
kula dar daarmay inay si hufnaan ah ugu adeegaan Bulshada Somaliyed ee
Degmooyinkaasi ku nool, si dadka looga haqabtiro adeegyada dowladda
hoose.

Previous Post

Xukunka Askari isku darsaday dhac iyo ka bixid aag dagaal

Next Post

Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay (War Saxaafadeed)

Next Post
Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay (War Saxaafadeed)

Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay (War Saxaafadeed)

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In