Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye Tuulax oo kormeeray Xarumaha Degmooyinka Xamar Jajab, Xamar weyne & Waaberi (SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 1, 2018
in Wararka
0
Gudoomiye Tuulax oo kormeeray Xarumaha Degmooyinka Xamar Jajab, Xamar weyne & Waaberi (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye Ku xigeenka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir
Maxamed C/laahi Tuulax ayaa maanta kormeeray Xarumaha Saddex Degmo oo
ka mid ah Gobolka Banaadir.

Xarumaha uu kormeerka ku tagay Gudoomiye Tuulax, ayaa waxa ay kala
yihiin Degmooyinka Xamar weyne, Xamar Jajab & Degmada Waaberi halkaasi
oo uu ugu kuur galaayay qaabka shacabka Degmooyinkaasi loogu adeego
iyo hanaanka ammaanka Degmooyinkaasi uu yahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Gudoomiye Tuulax ayaa la sheekeystay qaar ka mid ah Shaqaalaha
Xarumaha Degmooyinka oo uu waydiiyay sida shacabka ay ugu adeegaan,
waxaana uu kula dar daarmay inay sii laba jibaaraan shaqada Bulshada
ay u hayaan ee ah u adeegida shacabka Soomaliyeed.

Kormeerka ayaa ka bilowday Degmada Xamar weyne, halkaasi oo maamulka
Degmada & Shaqaalaha si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen Gudoomiye Ku
xigeenka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed
C/laahi Tuulax, kadibna ay uga warbixiyeen sida shacabka ugu adeegaan.

Sidoo kale Degmooyinka Xamar Jajab & Waaberi ayuu si la mid ah Degmada
Xamar weyne kormeerka ugu tagay, halkaasina si wanaagsan ugu soo
dhaweeyeen Shaqaalaha & Maamulka Xarumahaasi.

Gudoomiye Tuulax ayaa saddexda Degmo ee uu tagay Maamulka & Shaqaalaha
kula dar daarmay inay si hufnaan ah ugu adeegaan Bulshada Somaliyed ee
Degmooyinkaasi ku nool, si dadka looga haqabtiro adeegyada dowladda
hoose.

 

Previous Post

Xukunka Askari isku darsaday dhac iyo ka bixid aag dagaal

Next Post

Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay (War Saxaafadeed)

Next Post
Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay (War Saxaafadeed)

Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay (War Saxaafadeed)

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In