Xaruntii Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laga saaray dad daganaa muddo 25 sano ah kuwaas oo ku noolaa Guriga Wasaaradda oo ku yaalla degmada Shangaani ee Gobolka banaadir.
Taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay Tallaabadii Saddaxaad oo xarumaha Wasaaradaha Dowladda dadka looga saarayo isagoo inta raaciyay in howsha ay si wanagsan ku soo dhammaatay isla markaana dadka ka baxayay xarunta Wasaaraddana ay Cawinayeen ciidamada Boliiska oo dadkaas qaybtooda la qaadayay Alaabaha.
Wasiir kuxigeenka Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaliya Cismaan Libaax Ibraahim ayaa bogaadiyay Taliska Boliiska Gobolka Banaadir sida ay shaqadaan u qabteen isagoo tilmamay in dib u tayactir lagu samayn doono Xarunta Wasaaradda dhawaanna howshaas ay billaaban doonto.