15ka May waa maalin qaali ah oo ku xardhan diiwaanka taariikhda gobonimadoonka Soomaaliyeed, waa maalintii la unkay ururkii S.Y.L, kaasi oo ay dhidibada u taageen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u da’yar, Kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatadii uu gumeysigu ku hayey dalkooda iyo dadkooda sida dil, xarig, dhac iyo waliba kala qeybin dhuleed.
Dhalinyaradii S.Y.L hadafkoodu wuxuu ahaa sidii dalka looga dul qaadi lahaa heeryadii gumeysiga, waxayna udub-dhexaad u ahaayeen dhaqdhaqaaqii Keenadiidnimo ee ummadda Soomaliyeed kaga dhiidhiday Gumeystayaashii ku soo duulay dalkooda hooyo, halgankaasi wuxuu ahaa mid ay u wada mideysnaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Halyeeyadii S.Y.L waxay naftooda u hureen sidii ay u sameyn lahaayeen urur gabonimadoon ah oo ka dhiidhiya joogistii uu gumeysigu dalkooda joogay, kaasi oo dalka ku dhaqayay nidaamkii gumaysiga ee Qaybi oo Xukun. dadaal dheer ka dib, Waxaa u suuragashay Alla mahaddii in ay furaan Xisbigan SYL taariikhdu markii ay ahayd 15 kii May, 1943,Kaas oo horseeday in la helo qaran Soomaaliyeed oo xor ah, Islamarkaana ka kooban labo qeybood oo ka mid ah dhulkii Soomaaliyeed ee uu gumeysigu kala qeybiyey.
Horseedkii S.Y.L waxay ku shaqaynayeen Soomaalinimo, dal jacayl iyo midnimo, taasina waa sababta u suurta galisay in ay gaaraan hadafkooda oo ahaa helitaanka Qaran Soomaaliyeed oo madax banaan,dhanka kale marka aad dib u daalacato taariikhda umadaha Waxaa kuu soo baxaysa in ay dhalinyaradu tahay xoogga ugu muhiimsan ee wax ku soo kordhiya higsiga bulshooyinka sida gobanimo u dirirka, difaacidda qaranimada iyo xaqiijinta barnaamijyada horumarineed ee bulshadaas u qorshaysan.
Aasaasayaashii xisbigii S.Y.L waxay ahaayeen 13 dhallinyaro oo intooda badan lahaa waxbarashada aasaasiga ah ,waxay iska xilsaareen sidii loo heli lahaa xornimo taam ah,isla marlaana dalka looga xorayn lahaa gumaysigii haystay, muddo kooban kadibna waxay ku guuleysteen in ay awoodooda ku baahiyaan gudaha dalka ,isla markaana xafiisyo iyo laamo ka furtaan gobolada dalka soomaaliya,sidoo kale ururo dhallinyaro oo matalaya shacabka ayaa ka furmay gobolada Woqooyi Galbeed taasoo gabagabadii sababtay in ay bilowdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo lagu raadinaayo masiirka iyo aayaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Magacyada Aasaasayaashii S.Y.L waxay kala ahaayeen:-
- C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Waxa uu ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markii uu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaasi jiray 24-sano.2. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Waxa uu ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markii uu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-sano.3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadku markii uu ahaa 1917-kii, xilligaasna waxa uu jiray 26-sano.5. Cismaan Geedi Raage, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasna waxa uu jiray 18-sano.6. Dheere Xaaji Dheere, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadku markii uu ahaa 1926-kii, xilligaasna waxa uu jiray 17-sano.
7. Daahir Xaaji Cusmaan, Waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadka markii uu ahaa 1925-kii, xilligaasna wax a uu jiray 18-sano.
8. Cali Xasan Maslax, Waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadku markii uu ahaa 1927-kii, xilligaasna waxa uu jiray 24-sano.
9. Maxamed Cali Nuur, Waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkuna waxa uu ahaa 1927-kii, xilligaasna waxa uu jiray 16-sano.
10. Maxamed Faarax Hilowle, Waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadku markii uu aha 1925-kii, xilligaasna waxa uu jiray 18-sano.
11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi}, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkuna waxa uu ahaa 1918-kii, xilligaasna waxa uu jiray 25-sano.
12. Huudoow Macalin Cabdulle, Waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadku markii uu ahaa 1926-kii, xilligaasi waxa uu jiray 17-sano.
13. Maxamed Cusmaan Baarbe, Waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadku markii uu ahaa 1910-kii, xilligaasna waxa uu jiray 33-sano.
Munaasabadda Xuska 75 guurada ka soo wareegtay Aasaaskii Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee S.Y.L ayaa ku soo beegantay xilli ay da’yarta Soomaaliyeed u diyaargaroobeen in ay dib u soo nooleeyaan habdhaqankii iyo astaamihii dhalinyaradii Leegada ee ahaa dal jacaylka, midnimada iyo ka fogaanshaha qabyaaladda, kuwaasi oo ku guulaystay in ay gaaraan hadafkoodii ahaa in ay dalkooda gaarsiiyaan madaxbannaani iyo israac, halkaasi oo ay ka dhalatay Jamhuuriyaddii 1aad ee Soomaaliya
Muhiimadda maalinta 15ka may leedahay darteed ayaa Madaxweynaha JFS mudane Maxamed c/laahi Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre waxay dhambaal hambalyo u direen dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada, waxayna ugu baaqeen in u istaagaan sidii ay dalkooda amnigiisa u sugi lahaayeen,islamarkaana ka qayb qaataan Barnaamijyada horumarineed ee dalka ka socda.
Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay dareemaan doorka ay ku leeyihiin geeddi socodka loogu jiro barnaamijyada horumarineed ee dadka iyo dalka, iyadoo sidoo kale ay waajib ku tahay in ay ka qeybqaataan badbaadinta umadda iyo raadinta qaran Soomaaliyeed oo wax la qeybsada dalalka caalamka.
Dhallinta ama da’yarta cusub ee Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa ah in ay ku sifoobaan dal jacaylkii iyo kartidii ay lahaayeen dhallinyaradii SYL oo wax walba ka hormariyay sidii ay dalkooda u gaarsiin lahaayeen iftiinka xoriyadda, hadaba waxaa dhallinyarada maanta la gudboon in ay u dhaxda u xirtaan xaqiijinta danta dalkooda iyadoo ku dayasho wanaagsan ay u tahay horseedkii dhallinyaradii S.Y.L ee galay Sooyaalka Taariikhda Sharfan ee Xornimo doonkii dalka.