Madaxa Xafiiska Siyaasadda dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Islaamiga ah ee Xamaas, Ismaaciil Haniya, ayaa sheegay in xasuuqii ay Ciidamada Isra’iil ka geysteen Isbitaalka magaalada Qaza uu caddeeyn u yahay naxariis darada Isra’iil iyo baaxadda jabka gaaray.
Ismaaciil Haniya, oo la hadlayay Warbaahinta ayaa Carrabka ku adkeeyay in xasuuqa Yahuudda aanay wiiqi doonin go’aanka dadka reer Falastiin, ee jecel xoriyadda dhulkooda iyo dalkooda,” isagoo intaa ku daray in iska caabbintu ay sii socon doonto ilaa gumaystaha uu ka baxo dhulkooda.
Madaxa siyaasadda Xamaas, ayaa ugu baaqay dhammaan shucuubta Islaamka inay garab istagaan Shacabka Falastiin, isagoo sidokale ugu baaqay Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo dhammaan ururada caalamiga ah inay cambaareeyaan daadinta dhiigga Shacabka reer Falastiin.