Thursday, May 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 5, 2019
in Wararka
0
Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa maanta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ku wareejiyay gabi ahaanba Qalab xafiiseedyadii ay ku shaqeynayeen xafiisyada waxaana ka mahad celiyay taliska Asluubta.

 

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

May 21, 2025
Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

May 21, 2025

Sida uu qorshuhu yahay waxaa dhisme lagu sameyn doonaa maalmaha soo socda dhismaha xafiiska Hanti- dhowrka guud ee Qaranka oo si casri ah loo qalabeyn doono isla markaana qorshuhu yahay inuu noqdo mid bilic wanaagsan sidaas daraadeed ayaa qalabkii xafiiska maanta lagu wareejiyay taliska Asluubta.

Mas’uuliyiinta xafiiska hanti-dhowraha guud ayaa sheegay in muhiimadu tahay in Qalabkaan oo isugu jira mid cusub iyo mid xafiisyada yaalay lagu wareejiyo Taliska Asluubta taasina ay qayb ka tahay iskaashiga labada hay’ad iyo in la xoojiyo wada shaqeyntooda.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Jeneraal Cabdikariin Cali Afrax ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta Xafiiska hanti dhowraha guud qalab xafiiseedka ay ku wareejiyeen, waxaana uu xusay in wax badan uu qalabkani u tari doono bilicda xafiisyada Taliska.

“Xafiiska Hanti-dhowraha guud si wanaagsan buu noola shaqeeyaa waan u mahad celinayaa mas,uuliyiinta runtii madaxda Xafiiska waan uga mahad celinayaa anigoo ku hadlaya magaca Taliyaha Ciidanka Asluubta waa agab muhiim ah talisku waxaa uu ku talo jiraa in wax soo saarkiisa uu kordhiyo oo uu wax badan ka qayb qaato wax soo saarka dalka”ayuu yiri Taliye xigeenka.

 

 

Previous Post

Macalimiin tabbabar loo soo xiray si ay wax u baraan carruurta aan lixaadkooda dhameystirneyn “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Amniga oo xiray hawlwadeen argaggixiso oo Gawaarida ku xira Qaraxyada

Next Post
Ciidamada Amniga oo xiray hawlwadeen argaggixiso oo Gawaarida ku xira Qaraxyada

Ciidamada Amniga oo xiray hawlwadeen argaggixiso oo Gawaarida ku xira Qaraxyada

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

May 21, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

May 21, 2025
0

Sanadkan, Xujeyda Soomaaliyeed waxay heli doonaan adeeg caafimaad oo ka duwan kii hore. Dowladda Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa daryeelka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

May 21, 2025
0

Shirweynaha lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare...

NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

May 21, 2025
0

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In