Sunday, June 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Macalimiin tabbabar loo soo xiray si ay wax u baraan carruurta aan lixaadkooda dhameystirneyn “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Macalimiin tabbabar loo soo xiray si ay wax u baraan carruurta aan lixaadkooda dhameystirneyn “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid tababar loogu soo xirayay ku dhawaad boqol arday  oo bartay luuqada wax lagu baro dadka aan wax maqli karin si ay u helaan waxbarasho  la mid ah mid ay helaan kuwa wax maqli kara ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Munaasabada oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin iyo xubno ka socday bulshada qeybahooda kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Maamulaha Dugsiga Dhagoolayaasha ee Galkacyo Cabdiraxmaan Axmed Kaarshe oo ka warbixiyay dadaalka ay u mareen in waxbarasho ay helaan carruurta aan wax maqli karin,( Kuwa maqal la’) waxaana uu sheegay in markii ay arkeen baahiyada ay qabaan carruurta dhagoolayaashaa ay u istaageen sidii loogu heli lahaa waxbarasho, taas oo uu xusay in dadaal dheer kadib ay u suurtagashay in ay furaan dugsi hoose Dhexe oo wax lagu baro carruurtaasi inkastoo uu sheegay in ay jiraan caqabado ku aadan dhanka goobta waxbarshada iyo agabkii wax lagu bari lahaa iyo sidooo kale mushaarkii macalimiinta.

Macalin Muuse Xasan Kadle oo ah macalinka tababarka siinayay ardayda la baray luuqada wax lagu baro dhagoolayaasha ayaa sharaxaad ka bixiyay sida wax loo bari karo carruurta aan wax maqli karin, isagoo sheegay in ay tahay mid fudud sidaa darteedna waalidiinta looga baahanyahay in carruurta dhagoolayaasha ay wax baraan, taas oo uu sheegay in ay xaq u leeyihiin waxaa sidoo kale Macalin Muuse uu ka codsaday Shirkadaha iyo Ganacsatadu in ka qeyb qaataan wax barida carruurta aan wax maqli karin ama kuwa lixaadkoodu kala dhiman yahay.

Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacadda Galkacyo Muxyadiin Cabdullaahi Cabdi oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sharaxay kaalinta ay ka qaateen tababarida macalimiinta la qorsheynayo in ay wax baraan carruurta aan wax maqli karin iyo xaqqa ay u leeyihiin in ay waxbarasho helaan, isagoo sheegay in Jaamacaddu ay bixineyso dhaqaalaha qaar ka mid ah macalimiinta wax baraya carruurtaasi muddo hal sano ah.

Sidoo kale munaasabada ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinti iyo bulshadii ka qeyb gashay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen duqa Degmada Galkacyo, Xildhibaan Zahra Daadhir Mire oo si wada jir ah u sheegay in ay kaalin ka qaadan doonaan waxbarida carruurta aan wax maqli karin.

Gunaanadkii munaasabadda waxaa ka hadlay isku duwaha Wasaaradda Waxbarshada Galmudug Axmed Jaamac Aadan Qoodeey oo xusay in Wasaaradda Waxbarshadu ay mar kasta u taagantahay wax ka qabshada baahiyada Waxbarshada.

Munaasabadaan ayaa ujeedka loo qabtay waxa ay aheyd in lagu dhiiri galiyo bulshada wax barida carruurta aan laxaadkoodu dhameystirneyn gaar ahaan kuwa dhagoolayaashaa si ay u helaan xaquuqda ay helaan carruurta la midka ah.

Previous Post

Tartanka Ciyaaraha Fudud oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta “SAWIRRO”

Next Post
Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta “SAWIRRO”

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta "SAWIRRO"

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In