Hanti-dhowraha guud ee qaranka Mudane, Axmed Ciise Guutaale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kana hadlay warbixin sanadeedka Hantidhawrka ayaa faah-faahin ka bixiyay baarista uu xafiiskiisa ku sameeyay qaar kamid ah safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda.
Mudane, Axmed Ciise Guutaale, ayaa sheegay in baaristaan lagu sameeyay saddex safaaraddood ee Soomaaliya ku leedahay dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in lacagaha ay qabteen aan loo maamulin si wanaagsan, isla-markaana aan lagu darin warbixinta maaliyadda ee dowladda.
“Dakhli dhan 1.9 mliyan oo ay qabteen hay’adaha kala ah safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Kenya, safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Turkiga iyo safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jarmalka ayaan loo maamulin si wanaagsan , looguna darin warbixinta maaliyadeed ee dowladda” ayuu yiri Guutaale
“Marka la eego khaladaadkaas hay’adaha ay baarista quseysay waxaa fikrad cilad leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadeed ama xisaab xirka sanadka 2022 ee loo soo gudbiyay xafiiska hantidhowrka guud ee qaranka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guutaale.
Hanti dhowaraha waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay khaladaadka ay sameeyeen saddexda safaaradood, isaga oo xusay in baarista ay ku ogaadeen in aysan dhaqan-gelin xeerarka maaliyadeed ee loogu talagalay uruurinta dakhliga soo gala.
Xafiiska hantidhowraha ayaa guud ahaan cadadka lacageed ee ku maqan safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka ku sheegay illaa 3 miliyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay in aan lagu shubin khasanadda dhexe ee dowladda.