Haweenka ku dhaqan Magaalada Beledweyn ee gobalka Hiiraan ayaa maanta muujiyay garab istaaga Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka.
Haweenka ayaa waxa ay ku wareejiyeen guddoomiyaha ururka dhallinyarada Gobolka Hiiraan raashiin nuucyadiisa kala duwan iyo agab biyaha ku qaataan, kuwaasi oo lagu wareejiyay ciidamada qalabka sida.
Haweenka ayaa waxa ay sheegeen in Mar walba garab siinayaan Ciidamada iyo dhallinyarada deegaanka ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab u istaagay.
Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxaa ka socda dagaalo lagu xureynayo degaanka kadib markii ay ka ceen bulshada oo garab ka helaya Ciidamada qalabka sida.
Magaalada Beledweyne waxaa ka socda kulamo kala duwan oo ay leeyihiin bulshada iyo Odoyaasha, waxaana looga hadlayaa dagaalada argagixisada lagula jira.