Haweenka Qaranka Soomaaliyeed “HOOYO U HIILI QARANKA” ayaa maanta Duco iyo Baroordiiq u sameeyay Shuhadadii toddobaadkii hore ay kooxaha Khawaarijta ku xasuuqeen xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay kulankan.
Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ka qaataan taageerada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta, isagoo sheegay in ololaha “HOOYO U HIILI QARANKA” laga rabo in uu gaaro meel welba si kooxaha Khawaarijta ah loogula dagaalamo goob kasta.