Tuesday, July 5, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha ammaanka Uganda oo heegan la galiyay

April 4, 2015
in Wararka
0
Hay’adaha ammaanka Uganda oo heegan la galiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka booliska waddanka Uganda ayaa heegan la galiyay si looga hortago weerar argagixiso oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso waddankaas. Kaddib markii 148 qof ay ku dhinteen weerar ay kooxdu ku qaadday jaamacadda magaalada Gaarisa.

Gen. Kale Kayihura, oo ka tirsan booliska Uganda ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay heleen xog sheegeysa in kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay qorsheynayaan inay weeraraan goobaha waxbarashada ee magaalada Kampala.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022

Sarkaalkaan ayaa u soo jeediyay maamuleyaasha goobaha waxbarashada inay si aad ah ammaanka u adkeeyaan, ayadoo si la mid ah loo howl galiyay saldhiga boliska ee ku dhow xarumaha waxbarasho si looga hortago isku dayga argagixisada.

Ciidanka booliska ayaa howl gallo joogto ah wada, ayagoo la socda ammaanka goobaha ganacsiga, hoteellada, goobaha cibaadada, suuqyada iyo goobaha baabuurta laga raaco, dhammaan xarumahaan ayaa ayaguna dhaqan galinaya talooyinka adkeynta ammaanka ku saabsan ee ay dowladdu soo jeedisay sida uu sheegay Gen. Kayihura.

Dadka shacabka ah ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka isla markaana ay ka warqabaan dhaqdhaqaaqyada laga shakin karo ee ay arkaan isla marnaa ay la soo xiriiraan booliska.

Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa khamiistii weerartay jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa halkaas oo ay ku dileen 148 qof, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad badan. Dadka ay waxyeelladu soo gaartay waxaa u badnaa ardaydii jaamacadda wax ka baranaysay. Weerarro noocaan ah ay kooxdani ka fulisay dalalka gobolka sida Soomaaliya, Kenya iyo Uganda.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo dhaweeyay dowrka warbaahinta dowladda

Next Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Next Post
Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022
0

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

July 4, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In