Monday, July 4, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha Amniga dalka oo Howlgalo Amni sugid ah ka sameeyay Muqdisho

March 6, 2015
in Wararka
0
Howlgallada lagu sugayo amaanka caasimadda oo la kordhiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baaritaano dheeraad ah oo ay Ciidamada amaanka Dalka ay 24 kii saac ee la soo dhaafay ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir qaar ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad lala xiriirinayo Kooxaha Nabad diidka ah Ee Al shabaab dhawaana Hay’adda NISA ay ugu yeerta UGUS,dad lagu soo qabtay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale dadkii lahaa Libaxayo gabar yar ku dhaawacay degmada Cabdi casiis Ee gobolka Banaadir.

Goobaha sida gaar ah Ciidamada hay’adda NISA iyo Booliska Soomaaliyeed ay baaritaanada uga wadeen ayaa waxaa ka mid ah Xeebta Liido oo maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ay u damaashaad tagaan Boqolaal Bulshada ku dhaqan caasimada ah iyadoo sidoo kalena la arkayay Ciidanka iyo saraakiishooda oo doomo ku dhex wata Badda isla markaana kormeeraya dadka ay suuragalka tahay in biyaha bada ay qaado

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Cabdi Casiis Gaashaanle Axmed Baashane oo kamid ahaa saraakiisha howlgalada hagaysay ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Amniga ay had iyo jeer u taagan yihiin ilaalinta Amaanka dadka Soomaaliyeed.

Isgoyska Siinaa Ee Degmada Warta nabadda ayaa sidoo kale ka mid ah goobaha ay Ciidamada amaanku ka sameeyeen howgalada amni sugida ah sidoo kale waxaa halkaa lagu soo bandhigay Labo Ruux iyo Maandooriye la sheegay in ay ku sameynayeen Guri ku yaala Xaafadaas.

Afhayeeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cusmaan oo saxafiyiinta kula hadlay ayaa sheegay in baaritaanada ay qayb ka yihiin Howlgalada lagula dagaalamay Maandooriyaha dadka ku lugta leh.

Maxamed Yuusuf Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay kala qaybsanaanta iyo dagaalka ka dhex bilowday Hogaanka Kooxda Nabad diidka ah Ee UGUS waxaana uu sheeegay in ay Hay’adaha amnigu si dhaw ula socdaan bur burka kooxda ku socda isla markaana ay ka hortagayaan Weeraro ay ka geystaan Gudaha Caasimada.

Previous Post

Kulan taageero ah oo lagu qabtay Baydhabo

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022
0

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

July 4, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe...

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo ku baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Dadka ay Abaarta Sameeysay

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo ku baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Dadka ay Abaarta Sameeysay

July 4, 2022
0

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In