Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 weeks ago
in Wararka
0
Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.

 

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Heshiiskan, Hay’adaha HIQ iyo BTK waxay iska kaashan doonaan dhinacyada ay wada daneynayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), amniga, adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qoddobo kale oo nidaamineed oo la xariira isgaarsiinta elektaroonigga ah.

 

Heshiiska is-Afgaradka ah waxaa xarunta dhexe ee Hay’adda BTK ee Ankara, ku saxiixay Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya, iyo Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye.

 

Isagoo ka hadlaya heshiiska is-afgaradka, Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu wuxuu yiri: “Annagoo u mareyna iskaashigan, waxaan kor u qaadaynaa is-weydaarsiga aqoonta, khibradda nidaaminta, si kor loogu qaado qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal ee Türkiye iyo Soomaaliya.”

 

Dhankiisa, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa ka hadlay muhiimadda heshiiska, isagoo xusay in Heshiiskani uu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adeed ee u dhexeysa HIQ iyo BTK, sidoo kale uu taageerayaa dhisidda awoodda shaqaalaha, is-weydaarsiga aqoonta, iyo horumarinta qaab-dhismeedka nidaamin oo wax ku ool ah, taas oo ka qeyb qaadan doonta kobaca iyo casriyeynta qeybaha isgaarsiinta dalkeena.

 

Kaddib saxiixa heshiiska, Maareeyaha Guud iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxay la yeesheen kulammo gaar ah Hay’adda BTK iyo xarumo kale oo hoos yimaada, iyagoo ka qeybqaatay wadahadallo farsamo, aqoon-isweydaarsi, iyo wadaagis khibradeed oo la xariira hab-dhaqannada nidaamineed, amniga saaybarka, ilaalinta macaamiisha, iyo hab-maamulka internet-ka.

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Next Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘L𝐚𝐦𝐚 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨 𝐢𝐧 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐜𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚’

Next Post
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘L𝐚𝐦𝐚 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨 𝐢𝐧 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐜𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚’

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 'L𝐚𝐦𝐚 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨 𝐢𝐧 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐜𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚'

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In