Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka oo wadatashi la yeeshay bulshada Jowhar “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka oo wadatashi la yeeshay bulshada Jowhar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gudigga Baarlamaanka Federaalka ee La-sacodka dib-u-eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatshi ah la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ee magaalada Jowhar ee caasimadda Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd in bulshada Jowhar ay talooyinkooda ka dhiibtaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka ee Hirshabeelle.

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026

Sen Cabdiqaybdiid iyo Avv Maxamed Caballa oo kala ah labada Gudoomiye ee Guddiyada Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ayaa sheegeen in kulankan uu bilow u yahay kulmo kale oo ka dhici doona dhamaan degmooyinka dalka, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay cadeeyneyso wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo labada Guddi.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo labada Guddi ay ka go’antahay in ay dhageystaan talooyinka dadka Soomaaliyeed.

“Markii hore ee aan sameeyneynay Dastuurkan Qabyo-qoraalka ah ee sanadkii 2011kii lama imaan karin oo wadatashi laguma qaban karin magaalooyin badan oo dalka kamid ahaa maadaama ay arggagixisadu heysteen, sidaa awgeed hadda waxaa inaga go’an in Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka la gaarsiiyo dhaamaan gobolada oo waqti xaadirkan arggagixisada laga sii dabargoynayo” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa ra’ygooda la wadaagay Wasaaradda iyo labada Guddi.

Previous Post

Dhalinyaro Gurmad Caafimaad u fidinaysa dadka soo Barakacay “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka iyo ku xigeenadiisa oo kulan la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.Sawiro”

Next Post
Guddoomiyaha gobolka iyo ku xigeenadiisa oo kulan la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.Sawiro”

Guddoomiyaha gobolka iyo ku xigeenadiisa oo kulan la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.Sawiro"

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In