Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay bahda Garsoorka ee Koonfurgalbeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay bahda Garsoorka ee Koonfurgalbeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gudigga Baarlamaanka ee la-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxa banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan wadatashi ah kula yeeshay bahda Garsoorka iyo garyaqaanada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Hay’adaha u xilasaaran sib-u-eegista dastuurk waxa ay warbixino u jeediyeen dhamaan bahdii garsoorka ee kasoo qayb gashay kulanka waxayna ka codsadeen in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo aruuriyaan aragtidooda oo mideeysan una soo gudbiyaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Koonfur Galbeed oo shirka ka soo qeybgalay ayaa aad u bogaadiyay howlaha dhameeystirka dastuurka wuxuuna xusay inay sida ugu dhaqsiiyaha badan kusoo gudbin doonaan aragtidooda oo mideeysan.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xussen Cabdi Cilmi oo kulanka furay ayaa si kooban u sharaxay muhiimadda hannaanka cadaaladda qaranku uleeyahay dalka iyo baahida adag ee loo qabo helida hannaan cadaalad dhamaystiran oo dalku yeesho kaasoo lagama maarmaan u ah dhameeystirka dastuurka.

“Gorsoor cadaalad ku dhisan waa kan kala saara umada una horseeda caladad , waana sababta aan shirkan u joogno maanta oo ah in lagaarsiiyo dhaman bulshada dalka gaar ahaan bulshada ree Koonfur Galbeed oo runtii ah bulsho aad u jecel in la hirgaliyo hannaan cadaalad oo dhamaystiran” ayuu yiri Wasiir Ku xigeenka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimha Dastuurka ee Koonfur Galbeed oo isna kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay la kunlanka bahda Garsoorka maadama ay yihiin xeel dheerayaashii shuruucda ee dowlada Goboleedka koonfur galbeed.

Ugu dambayn, hay’adaha u xilsaaran qabyo tirka dastuurka iyo Garsoorka Koonfur Galbeed ayaa ku ballamay in la xoojiyo wadashqeynta iyo is dhaafsiga talooyinka si sharciyaqaanada Koonfur Galbeed ay ugu sahlanaaato ka qeybqaadashada dhameeytirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Previous Post

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray arrimaha Amniga

Next Post

Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Next Post
Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In