Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo shalay ka qeyb gashay munaasabadda xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa bogaadin, duco iyo mahadcelin u jeedisay haweenka Soomaaliyeed ee sooyaalka dalkeenna kaga jira baal dahab ah.

Marwada ayaa xustay qaar ka mid ah haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo tusaale muuqda u ah kaalinta haweenka ee dib u dhiska iyo samata bixinta dalka, iyada oo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay maalintan caalamiga ah ee loo asteeyey u qareemidda xuquuqdooda, iyadoo tiri:-“Halgankii gobonnimo doonka waxaa jiray hooyooyin lafdhabar u ahaa oo aan ka xusi karo Xaawo Cusmaan Taako iyo Timiro Cukaash. Waxaa jira kuwa haatan ah tusaale nool oo aan ku faani karno dadaalkooda iyo kaalinta ay ka gaysteen dhismaha Cusbitaallo, xarummo daryeel, ilaalinta deegaanka iyo ka qeyb galka nabad dhisidda”.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Marwada Koowaad ee dalka ayaa dul-istaagtay duruufaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha dalkeenna iyo saameynta gaarka ah ee ay ku yeeshaan haweenka iyo dhalllaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu dambeysay fatahaadihii Gobollada Hiiraan, Baay iyo Gedo. Marwada ayaa ku baaqday in la xoojiyo isku tashiga, is-garab istaagga iyo midnimada haweenka Soomaaliyeed oo aasaas u ah xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran.

“Aniga oo kaashaanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo culumadeena sharafta leh waxaan u istaagnay in aan gacan ka geysanno dadkii dhibaatooyinku ay ka soo gaareen fatahaadaha, waxaana laba magaalo oo aan tagnay Eebe nagu guuleeyay in aan uruurinno lacag gaareysa dhawr boqol oo kun oo Doollar oo si toos ah loogu wareejiyay guddiyadii hawshaas waday.” Ayay tiri Marwada Koowaad ee Dalka.

Munaasabaddu, intii ay socotay Marwada Koowaad ee dalka ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiisay qaar ka mid ah haldoorka haweenka Soomaaliyeed ee dadaalka xooggan ku bixiya ilaalinta xuquuqda haweenka, midnimada, nabadda, daryeelka carruurta iyo kobcinta aqoonta gabdhaha.

Previous Post

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay bahda Garsoorka ee Koonfurgalbeed “SAWIRRO”

Next Post

Wejiga 12aad ee Ololaha isxilqaan oo meel gabo gabo ah marayo.

Next Post
Wejiga 12aad ee Ololaha isxilqaan oo meel gabo gabo ah marayo.

Wejiga 12aad ee Ololaha isxilqaan oo meel gabo gabo ah marayo.

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In