Hay’adda Bisha Cas ee dowladda Imaaraatka carabta ayaa deeq hilib ah u qeybisay boqolaal qoysas danyar ah, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaxootiga Yeminiinta ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka carabta ayaa qashay 200 oo neef oo lo’ ah oo ay ugu talagashay in hilibkooda loo qeybiyo qoysaska dantayar, barakacaayasha, Xarumaha agoonta, qaxootiga Yeminiinta si walaalahooda kale ula qeybqasadaan farxada ciidul Adxa.
Deeqdaan hilibka ah oo ay qeybisay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka carabta ayaa waxaa ka faa’ideystay ku dhowaad 2400 oo qoys kuwaas oo isugu jira barakacayaal, dadka dhimirka la’ ee ku jira Isbitaalka Laansareeti iyo qaxootiga Yemen ee Ku sugan magaalada Muqdisho.
Dadkii ka faa’ideystan deeqdaan ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Imaaradtka Carabta deeqda ay soo gaarsiiyeen, iyagoo sheegay in ay kusoo beegantay xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen islamarkaana ay u dabaal degayaan munaasabadda Ciidul Adxa.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideystan deeqdaan hilibka ah ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ku amaanay sida ay had iyo jeer u garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee markasta taageerada lagarab taagan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, taageeradaas oo isugu jirta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, caafimaadka, bini’aadanimada iyo mashaariic horumarineed oo kala duwan.