Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka carabta oo hilib  u qeybisay boqolaal qoysas danyar ah-Sawirro

caqiil by caqiil
September 13, 2016
in Wararka
0
Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka carabta oo hilib  u qeybisay boqolaal qoysas danyar ah-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Bisha Cas ee dowladda Imaaraatka carabta ayaa deeq hilib ah u qeybisay boqolaal qoysas danyar ah, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaxootiga Yeminiinta ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka carabta ayaa qashay 200 oo neef oo lo’ ah oo ay ugu talagashay in hilibkooda loo qeybiyo qoysaska dantayar, barakacaayasha, Xarumaha  agoonta, qaxootiga Yeminiinta si walaalahooda kale ula qeybqasadaan farxada ciidul Adxa.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Deeqdaan hilibka ah oo ay qeybisay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka carabta ayaa waxaa ka faa’ideystay ku dhowaad 2400 oo qoys kuwaas oo isugu jira barakacayaal, dadka dhimirka la’ ee ku jira Isbitaalka Laansareeti iyo qaxootiga Yemen ee Ku sugan magaalada Muqdisho.

Dadkii ka faa’ideystan deeqdaan ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Imaaradtka Carabta deeqda ay soo gaarsiiyeen, iyagoo sheegay in ay kusoo beegantay xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen islamarkaana ay u dabaal degayaan munaasabadda Ciidul Adxa.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideystan deeqdaan hilibka ah ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ku amaanay sida ay had iyo jeer u garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee markasta taageerada lagarab taagan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, taageeradaas oo isugu jirta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, caafimaadka, bini’aadanimada iyo mashaariic horumarineed oo kala duwan.

2 3 4 5 6 7 8 9 10 Sawir1

Previous Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha dalka Kenya oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay “SAWIRRO”

Next Post
Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay “SAWIRRO”

Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In