Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Boqor Salmaan oo Muqdisho ka daah furtay Mashruuca udxiyada ee Ciidul Adxaa

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Boqor Salmaan oo Muqdisho ka daah furtay Mashruuca udxiyada ee Ciidul Adxaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mu’asasada Al-Mahasin foundation ee Horumarinta iyo Waxbarashada oo kaashanayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bini’aadantinimo, ayaa ku dhawaaqday in la daah furay Mashruuca lagu qaybinaayo Hilibka udxiyada ee sanadkaan 1445 / 2024 ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mashruucan bini’aadantinimo, ayaa ujeedadiisu tahay in lagu taageero Qoysaska dhibaataysan inta lagu guda jiro Ciidul Adxaa ee barakeysan, si kor loogu qaado qiyamka wadajirka bulshada iyo naxariista Muslimiinta dhexdooda ah.Qoosaska u baahan, taas oo si togan uga tarjumaysa Caafimaadkooda iyo badbaadadooda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mashruucan, ayaa waxaa ka mid ah in hilib loo qaybiyo 53,280 qof ka-faa’iideystayaal ah oo ku kala nool deegaannada kala duwan oo ay dadka ku barakaceen iyo kuwa baahan ee Soomaaliya. Hawshaan, ayaa si taxadar leh loo soo Agaasimay si loo hubiyo in si Cadaaladda ah oo habsami leh loo gaarsiiyay gargaarka dadkii u baahnaa.

Mashruucani waxa uu ka mid yahay mashaariicda Hay’adda Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo ee lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la fulinaayo Mashaariic badan oo dhinacyo kala duwan ah sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, kor u qaadista sugnaanta cuntada iyo buuxinta baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul ee bulshada dhexdeeda ah.

Waxaan u mahadcelineynaa Xarunta Gargaarka Bani’aadamnimada ee Boqor Salmaan oo si  deeqsinima leh iyo Iskaashiga joogtada ah ee hirgelinta Mashaariicda bani’aadamnimada, waxaana xaqiijineynaa sida ay uga go’an tahay sii wadida taageerada aan siineyno kuwa u baahan.

Waxaan si adag uga shaqeyneynaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo iskaashiga joogtada ah si loo dhiso Mustaqbal wanaagsan dhammaan dadka, waxaana ugu baaqaynaa qof kasta inuu ka qayb qaato dadaalladan bini’aadantinimo ee lagu taageerayo dadka dhibaataysan xilliyada ay u baahan yihiin.

Waxaan ugu baaqaynaa warbaahinta iyo dhinacyada ay khusayso inay daabacaan bayaankan si loo muujiyo dadaallada bani’aadamnimo ee la sameynayo laguna dhiirigeliyo taageero dheeraad ah si loo gaaro yoolalka bani’aadamnimada iyo horumarinta.







Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shacabka Caasimadda salaadda Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Salaadda kula tukaday Masjid ku yaala Ankara Madaxda iyo Bulshada Muslimiinta dalka Turkiga

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Salaadda kula tukaday Masjid ku yaala Ankara Madaxda iyo Bulshada Muslimiinta dalka Turkiga

Madaxweynaha JFS oo Salaadda kula tukaday Masjid ku yaala Ankara Madaxda iyo Bulshada Muslimiinta dalka Turkiga

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In