Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in lala dagaalamayo dhaqanada Diinta ka soo horjeedo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in lala dagaalamayo dhaqanada Diinta ka soo horjeedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Culimada, Qeybaha Bulshada iyo Hay’adaha Dowladda ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah.

                                 War Murtiyeed

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

December 18, 2025

 Shir ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Dayax, maanta oo ay taariikhdu tahay 2/Safar/ 1442, kuna beegan 20/Sep/2020, ayna soo abaabuleen culumada Soomaaliyeed, ayna ka soo qayb galeen qaybaha bulshada, sida: Odayaasha Dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Ganacsatada, Aqoon yahanka iyo Saxaafadda, sidoo kale ay ka soo qayb galeen hay’adaha dowladda qaar ka mid ah, sida Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Awqaafta, Booliiska soomaaliyeed, shirkaas oo lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah.

Shirka waxaa ka hadlay masuuliyiin matalaya dhammaan qaybaha ka soo qayb galay, waxaana la is dhaafsaday xog ku saabsan mowduuca la isugu yimid ka dibna waxaa la soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo wax looga qaban karo, waxana ka mid ah:-

  1. In ilaalinta anshaxa iyo la dagaalanka mukhadaraadka la siiyo mudnaanta koowaad, sida ay diintu na farayso masuuliyaduna
  2. In hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ilaalinta Anshaxa guud ee Bulshada iyo wacyi galinta Ummadda ay iska kaashadaan sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe midaysan oo la xariirta.
  3. In qaybaha kala gadisan ee shacabka iyo hay’adaha dowladdu iska kaashadaan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadaraadka , culumadana loo fududeeyo dacwadda iyo wacyigelinta.
  4. In dalka laga hir geliyo Hay’adda Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda, loona magacaabo guddigii diyaarin.
  5. in – si deg deg ah- la dajiyo lana ansixiyo sharciga la dagaalanka mukhadiraadka.
  6. in la dhiso gole culumo oo dastuuri ah oo hubiya is waafaqsanaanta xeerarka la soo saarayo iyo shareecada islaamka ,sida dastuurku qabo.
  7. in wax laga qabto hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh anshax xumada iyo mukhadiraadka.
  8. in la qabto shir weyne qaran oo ku saabsan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadiraadka.
  9. in laga hortago oo la joojiyo wax kasta oo dhiirigalinaya anshax xumada iyo fuxshiga , sida is dhexgalka qaabka daran , iyo meelaha lagu  tunto.

Wabillaahi Towfiiq

Tags: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in lala dagaalamayo dhaqanada Diinta ka soo horjeedo
Previous Post

Webiga Shabeelle oo markale ku fatahay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose+Sawirro

Next Post

Booliska Magaalada Cadaado oo soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo ay soo qabteen+Sawirro

Next Post
Booliska Magaalada Cadaado oo soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo ay soo qabteen+Sawirro

Booliska Magaalada Cadaado oo soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo ay soo qabteen+Sawirro

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

December 18, 2025
0

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay doorashooyinka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

December 18, 2025
0

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka gawaarida gaashaaman ee MU ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixinta Waxqabadka Sannadka 2025, iyadoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In