Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in lala dagaalamayo dhaqanada Diinta ka soo horjeedo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in lala dagaalamayo dhaqanada Diinta ka soo horjeedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Culimada, Qeybaha Bulshada iyo Hay’adaha Dowladda ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah.

                                 War Murtiyeed

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

 Shir ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Dayax, maanta oo ay taariikhdu tahay 2/Safar/ 1442, kuna beegan 20/Sep/2020, ayna soo abaabuleen culumada Soomaaliyeed, ayna ka soo qayb galeen qaybaha bulshada, sida: Odayaasha Dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Ganacsatada, Aqoon yahanka iyo Saxaafadda, sidoo kale ay ka soo qayb galeen hay’adaha dowladda qaar ka mid ah, sida Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Awqaafta, Booliiska soomaaliyeed, shirkaas oo lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah.

Shirka waxaa ka hadlay masuuliyiin matalaya dhammaan qaybaha ka soo qayb galay, waxaana la is dhaafsaday xog ku saabsan mowduuca la isugu yimid ka dibna waxaa la soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo wax looga qaban karo, waxana ka mid ah:-

  1. In ilaalinta anshaxa iyo la dagaalanka mukhadaraadka la siiyo mudnaanta koowaad, sida ay diintu na farayso masuuliyaduna
  2. In hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ilaalinta Anshaxa guud ee Bulshada iyo wacyi galinta Ummadda ay iska kaashadaan sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe midaysan oo la xariirta.
  3. In qaybaha kala gadisan ee shacabka iyo hay’adaha dowladdu iska kaashadaan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadaraadka , culumadana loo fududeeyo dacwadda iyo wacyigelinta.
  4. In dalka laga hir geliyo Hay’adda Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda, loona magacaabo guddigii diyaarin.
  5. in – si deg deg ah- la dajiyo lana ansixiyo sharciga la dagaalanka mukhadiraadka.
  6. in la dhiso gole culumo oo dastuuri ah oo hubiya is waafaqsanaanta xeerarka la soo saarayo iyo shareecada islaamka ,sida dastuurku qabo.
  7. in wax laga qabto hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh anshax xumada iyo mukhadiraadka.
  8. in la qabto shir weyne qaran oo ku saabsan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadiraadka.
  9. in laga hortago oo la joojiyo wax kasta oo dhiirigalinaya anshax xumada iyo fuxshiga , sida is dhexgalka qaabka daran , iyo meelaha lagu  tunto.

Wabillaahi Towfiiq

Tags: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in lala dagaalamayo dhaqanada Diinta ka soo horjeedo
Previous Post

Webiga Shabeelle oo markale ku fatahay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose+Sawirro

Next Post

Booliska Magaalada Cadaado oo soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo ay soo qabteen+Sawirro

Next Post
Booliska Magaalada Cadaado oo soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo ay soo qabteen+Sawirro

Booliska Magaalada Cadaado oo soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo ay soo qabteen+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In