Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Duulista oo soo bandhigtay doorka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Duulista oo soo bandhigtay doorka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan, ayaa daah-furay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya doorka ay ku leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya ayaa daah-furay 16 bishii Oktoober ee sannadkan Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya , iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta waxqabadka hay’adaha Dawladda.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026

Agaasimaha Qorsheynta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Aamina Cabdiraxmaan Cusmaan oo horey dalka dibadeeda ugu soo qaadatay tababarka hirgalinta hannaankan ayaa ku soo bandhigtay kulan ay goobjoog u ahaayeen agaasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada HDRS , siyaabaha loo dhaqangelin karo iyo sida ay HDRS waaxyaheeda qayb uga noqon lahaayeen hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).

“ Hannaankan wuxuu gacan ka geysanaya inan xoojino wada-shaqeynta waaxyaha oo isla jaanqaadidooda ay gacan ka geysanayso in la horumariyo dadaalladii lagu fulinayo adeegyada bulshada iyo qaranka aan u heyno.” ayuu yiri Maareeyaha guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin oo faray agaasime waaxeedyada Hay’adda dhaqangelinta doorka ay hay’addu ku leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga.

Inta lagu jiro dhaqangelinta Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah , waaxda Qorsheynta HDRS ayaa bixin doonta tababarro la siinayo waaxyaha si loo dardargeliyo hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).

Previous Post

Mohamed Abdi Ware Becomes Deputy Executive Secretary General of IGAD

Next Post

Dardargelinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo laga hadlay

Next Post
Dardargelinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo laga hadlay

Dardargelinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo laga hadlay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
0

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay Shirka...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In