Siminaarkan ay soo qaban qaabisay Hay’adda IIDA oo soconayay mudo sedax maalmood ah ayaa waxaa maal galiyay midowga yurub,waxana looga dooday sharciga xuquuql insaanka oo uu gacanta ku hayo gudiga baarlamaanka soomaaliya u qaabilsan xuquuql insaanka.
Tababarkan ayaa xildhibaanada ka qeyb qaadanayey waxa ay ka kala socdeen guddiyada baarlamaanka u qaabilsan Xuquuqul Insaanka, Garsoorka, Federaalka,xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah iyo xubno matalayay dadka la heyb sooco..
Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah agaasimaha hay’adda IIDA ayaa tilmaantey in seminarkan ay uga gol lahayeen sare u qaadista wacyiga xildhibaanada, gaar ahaan guddiga Xuquuqul Insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha gudiga xuquuql insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in muhiim tahay in la soo gabagbeeyo tacadiyada ka dhanka ah bini’aadanka oo dalka ka dhacayay sanadihii ay colaadahu ay jiraan.
Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ah gudoomiye ku-xigeenka guddiga Xuquuqul Insaanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wax badan ay ka barteen casharadii laga bixinayay siminaarka, isagoo balan qaaday in marka uu furmo kalfadhiga baarlamaanka ay wax badan u gudbin doonaan.
Xildhibaanka ayaa ku nuux nuux saday ay in sharciga lagu dhisay guddigan uu Soomaaliya ka kaalmeyn doono ilaalinta xuquuqda bani’aadamka,maadaama dalka ay ka dhaceen tacadiyo badan oo ka dhan ah bani’aadamka.
Xubnihii ka socday qeybaha bulshada rayidka ah ayaa dhankooda soo dhaweeyay in ay fikirkooda ku darsadaan sharciga xuquuqul insaanka Soomaaliya.