Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ayaa ka qayb galay Shirkii 8-aad ee Maaliyadda ee Afrika”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ayaa ka qayb galay Shirkii 8-aad ee Maaliyadda ee Afrika”SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa uga qayb galay maagaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya shir ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyada iyo dhaqaalaha wadamada Afrika, shirkaas ayaa sannadkan waxaa looga hadlayey sidii dhaqaale ballaaran loogu heli lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha wadamada Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa si wada jir ah u so wada agaasimey Ururka Midnimada Afrika ee fadhigiisu yahay dalka Itoobiya iyo Gudiga Dhaqaalaha Africa (Economic Commission of Africa).

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Furitaankii shirka waxaa khudbado ka jeediyey Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hialmariam Deslegn, Madaxweynaha Dalka Ruwaanda Pual Kagame, iyo Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Haweeynayda Nkasazana Dlamini Zuma.

Waxaa sidoo kale shirka kelmada ka soo jeediyey Wasiirada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalalka Afrika, iyadoo diiradda la saaray sida Afrika ku gaari karto hiigsiga 2063 oo lagu dejiyey shirkii ururka Afirka ee sanadii 2014 ka dhacay dalka Itoobiya.

Shirkaan ayaa waxaa laf dhabar u ah koboca dhaqaalaha Afrika iyo weliba horumarinta dalalka Afrika, iyadoo la ogsoon yahay in dalalka Africa uu dhaqaalahoodu aad u sii kobcayo sanadahaan danbe, ayna jiraan maalgashiyo ku soo badanaya qaarada.

Xayir 1 Xayir 3 xayir 4 xayir 5 xayir 6 xayir 8

Previous Post

Hay’adda IIDA oo Siminaar u soo Gabagabeysay Xubno ka Tirsan Gudiga baarlamaanka Soomaaliya u Qaabilsan Xuquuqul Insaanka “SAWIRRO”

Next Post

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi

Next Post
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In