Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo shixnado gargaar ku wareejisay Hirshabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo shixnado gargaar ku wareejisay Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA ayaa maanta 15 Gaari oo sida shixnad Mucaawino Gargaar ah u dirtay Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo dhowr Bil ka hor khawaarihta Al-Shabaab gacantooda laga saaray.

Gawaarida sida shixnadaha mucaawinada ah ayaa si gaar ah ugu wajahan Magalaoyinka Maxaas, Moqokori, Jalalaqsi iyo dhamaan degaanada ku xeeran oo dhawaan laga xoreeyay khawaarihta Al-Shabaab.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

Gudddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ka warbixiyey Gargaarkaan loogu talagalay deegaanada Dadka ka barakacay Gobolka Hiiraan ee dhaawan laga xoreeyay khawaarijta Al-Shabaab, Guddoomiye Maxamuud Macallim oo ay wehliso Aagaasimaha Waaxda Gargaarka Marwo Sahro Cali Yusuf ayaa ku wareejiyay Gargaarka 15 Gaari ee Gobolka Hiiraan loo dirayo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiiboyinka Maamulka Hirshabeelle Marwo Caaisho Khaliif.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiiboyinka Maamulka Hirshabeelle Marwo Caaisho Khaliif ayaa u mahadcelisay  Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Howlwadeennada Hey’adda SODMA sida wanaagsan ee marwalba ay iskugu howlaan u gurmashada iyo gargaarka shacabka Soomaaliyeed, Wasiir Caaisho Qaliif ayaa sheegtay in ay gaarsiin doonto dadka ugu nugul ee ku barakacay  Gobolka Hiiraan.



Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo gargaar ku wareejiyay Wasiirka Haweenka Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo gargaar ku wareejiyay Wasiirka Haweenka Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo gargaar ku wareejiyay Wasiirka Haweenka Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In