Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Hay’adda MSF oo walaac ka muujisay Dadka laga celinayo Xeryaha Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee MSF, ayaa ugu baaqday mar kale Dowladda Kenya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan qaxootiga UNCHR, in ay keenaan qorshe kale oo kan dhaama oo ay Dalalka deeqaha bixiyaana taageeraan.

Warbixinta MSF , oo Cinwaan looga dhigay ‘Geeddiga Dhadhaab illaa Soomaaliya,waa Dad dab lagu tuurayo, ayaa lagu sheegay in xog ururin la sameeyay lagu ogaaday in Tobankii Qof ee qaxooti ahba Siddeed ka mid ah ay walaac ka muujiyeen dib u celinta, taasoo ay ka mid tahay cabsi ay ka qabaan in kooxaha hubaysan ee Soomaaliya ka jiraa khasab ku qortaan, faro-xumayn haweenka loo geysto iyo daryeel caafimaad la’aan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee MSF, ayaa waxa kale oo lagu sheegay cawaaqib xumada ka dhalan karta in mar qudha dad badan dib loo celyo.

Agaasimaha guud ee hay’adda MSF, Bruno Jochum, ayaa sheegay inay tahay mid iska cad in xeryo qaxooti aanay ahayn waxa ugu habboon ee lagu xallin karo xiisad taagnayd 25 Sano, balse wuxuu walaac ka muujiay in xeryahaasi mar keliya oodda la saaro iyadoon la haynin xal kale,wuxuuna ku micneeyay in Dadkii dib loogu tuurayo Debka colaadeed ee holcaya.

Wuxuuna sarkaalkan caqabadda ugu weyn ku tilmaamay daryeel caafimaad la’aan ka taagan inta badan goobaha la doonayo in lagu celiyo iyo tasiilaadka xagga nolosha oo aan haatn jirin, kuwaasoo qatartooda leh.

Waa markii Labaad ee ay hay’adda aan xudduudda lahayn ee MSF ka digto dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee muddada rubuc Qarniga ah ku jiray Xeryaha Dhadhaab Kenya iyadoo ku celcelisay in la saxo marka hore baahiyaha asaasiga ee Dadkaasi iyo halka la dejinaya intuba.

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo booqday Minneapolis+Sawirro

Next Post

Baroordiiqda geerida boqor Bhumibol Adulyadej oo ka socota dalka Thailand+Sawirro

Next Post
Baroordiiqda geerida boqor Bhumibol Adulyadej oo ka socota dalka Thailand+Sawirro

Baroordiiqda geerida boqor Bhumibol Adulyadej oo ka socota dalka Thailand+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In