Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu maamuusay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
20 hours ago
in Wararka
0
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu maamuusay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan lagu maamuusay xuska International *Women’s Day* , si loo muujiyo doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin bulshada, halganka ay u galeen xaqiijinta xuquuqdooda, iyo guulaha ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Kulanka xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, wakiillo ka tirsan hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, iyo sidoo kale haween Soomaaliyeed, barakacyaal iyo qaxooti dalkeenna magangelyo u soo doontay.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

March 9, 2026
Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 8, 2026

Maryan Osman Mohamed, Lataliyaha Arrimaha Sharciga ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo madasha ka hadashay, ayaa sheegtay in ay aad muhiim u tahay in la garab istaago haweenka Soomaaliyeed, maadaama ay laf-dhabar u yihiin dowlad-dhiska, nabadda iyo horumarka bulshada.

*International Women’s Day* waxaa sanad kasta la xusaa *8-da Maarso,* waana maalin caalami ah oo lagu qadariyo kaalinta haweenka ee horumarinta bulshada, laguna iftiimiyo dadaalka ay u galeen helidda xuquuqdooda, iyo guulaha ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha guud ee bulshada.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Next Post

Marwada Madaxweynaha oo deeq raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool Muqdisho

Next Post
Marwada Madaxweynaha oo deeq raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool Muqdisho

Marwada Madaxweynaha oo deeq raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool Muqdisho

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku soo gunaanudday bandhigga...

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 8, 2026
0

  \ Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

March 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XUkuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim...

FARRIINTA MADAXWEYNAHA JFS EE MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA

FARRIINTA MADAXWEYNAHA JFS EE MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA

March 8, 2026
0

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, taas oo ku aaddan munaasabadda Maalinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In