Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furatay Magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.
Munaasabadda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo qaar kamid ah dadka deegaanka iyo sidoo kale sarakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Dadka ka qeyb galay ayaa dhamaantood waxa ay sheegeen in baahi weyn loo qabay howlaha ay qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.