Wednesday, November 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay shir wadatashi oo soconaya muddo saddex maalmood ah.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

November 12, 2025
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhiirigelisay ganasatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EAC

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhiirigelisay ganasatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EAC

November 11, 2025

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta habraacyada baaritaanka iyo kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada, waxaana si wadajir ah uga qaybgalaya wakiillo ka kala socda SoDMA iyo dowlad-goboleedyada dalka.

 

Waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo horumarin lahaa awoodda shaqaalaha si ay u aqoonsadaan kiisaska la xiriira leexsiga gargaarka ayna uga jawaabaan si wax ku ool ah, isla markaana loo abuuri lahaa habraacyo mideysan oo kor u qaada daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka.

 

Mudane Cabdisalaam Cabdullahi Faarax, Agaasimaha Waaxda Gargaarka ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Galmudug, ayaa sheegay in leexsiga gargaarku uu yahay caqabad weyn oo si toos ah u hor istaagta dadaallada bani’aadannimada.

 

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in barnaamijkani bixinayo qalab iyo farsamooyin lagama maarmaan u ah la dagaallanka arrintan.

 

Dhankiisa, Mudane Saciid Maxamed Cadceed, Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed, ayaa tilmaamay in iskaashigan uu yahay tallaabo horumarineed oo wax weyn ka taraysa awoodaha la socodka iyo baaritaanka ee hay’adaha gargaarka.

 

Ugu dambeyn, Prof. Maxamed Axmed Maxamed Cadalle, Kaaliyaha Guddoomiyaha SoDMA ee Barnaamijka Xalka Waara ee barakacayaasha, ahna Khabiir dhanka Isgaarsiinta ee leexsiga gargaarka, ayaa sheegay in barnaamijkani yahay tiir muhiim ah oo ka mid ah istiraatiijiyadda SoDMA ee lagu hubinayo in gargaarka bani’aadannimada uu si toos ah ugu gaaro dadka xaqa u leh.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

November 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya, ayaa si...

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhiirigelisay ganasatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EAC

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhiirigelisay ganasatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EAC

November 11, 2025
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhiirigelisay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgashay Bandhigga ganacsiga 25-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha...

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In