Hay’adda maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, ayaa Maanta deeq raashin ah ka qeybisay degmada Warta Nabada.
Hay’adda SoDMA oo horray ugu wareejiyeen raashinkaan Haweenka Qaranka, ayaa u jeedkiisu ahaa in lagu xuso maalinta haweenka adduunka, sidoo kale waxaa loogu talagalay haweenka danyarta ah, Naafada iyo Barakacayaasha.
Hay’adda SoDMA iyo Haweenka Qaranka,ayaa Maalintii Saddexaad kawada Raashin qeybin Degmooyinka Gobalka Banadir, deeqdan raashinka ah waxaa ka faa’iideystay 500 Qoys oo naafa ah, kuwaas oo ku nool degmada Warta Nabada, Hay’adda SoDMA iyo Haweenka qaranka, ayaa sidoo kale deeqdaan wada gaarsiin doona dhammaan degmooyinka gobolka banaadir.