Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda SoDMA oo Shacabka uga digtay Roob xoogan oo laga yaabo in uu ka da’o Gobolada Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Hay’adda SoDMA oo Shacabka uga digtay Roob xoogan oo laga yaabo in uu ka da’o Gobolada Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay inay ka fogaadaan neelaha qatsrta uga imaan karta, maadaama laga cabsi qabo in uu Gobollada dalka qaarkood ka da’o Roobab Mahiigaan ah.

Guddoomiyaha oo shir saxaafadeed qabtay ayaa xusay in shacabku ay muujiyaan feejignan dheeri ah, isagoo xusay dhawaan Magaalada Qardho ay ku soo togmadeen daadad, sidoo kalena magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dhimasho sababtay Roobabka.

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026

“Shacabka Soomaaliyed haka fogadaan goobaha biyo mareenada ah, Roob xoogan oo mahiigan ah ayaa ku soo wajahan dalka  sidoo kale shacabka waxaan rabnaa inay qaataan talooyinka Hay’adda, maadaama isbuuc kasta an soo saarno xaalado aan uga hadleyno Roobabka iyo Webiyada buux dhaafiyay ee laga cabsi qabo inay fatahaado ka dhashaan”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay inay wadaan qorsheyaal looga faa’iidaysan doona biyaha, maadaama shacabku ay mar ka cabanayaan biyo yari halka marka kalena kaga cabto fatahaadaha.

Sidoo kale waxaa isna madasha ka hadlay  Agaasimaha Xarunta Qaran  ee Howlgallada Gurmadka Degdega (NEOC) ee Hay’adda SoDMA, kaasi oo tilmaamay in Xarumaha kala duwan ee Hay’adda ay mar walba u taaganyihiin in ay bulshada siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Maareeynta Musiibooyinka oo ay hoos tagto Xarunta Qaran ka digista Halis-wadareedka Khadar Sheekh Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyay cabsida weyn ee laga qabo Roob xoogan oo dalka qaybo ka mid ah ka di’i doona.

Previous Post

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka XFS oo daahfurtay mashruuc ku saabsan sare u qaadidda adeegga caafimaadka

Next Post

Muqdisho dhisme soo dumay oo sababay dhimashada afar carruur ah

Next Post
Muqdisho dhisme soo dumay oo sababay dhimashada afar carruur ah

Muqdisho dhisme soo dumay oo sababay dhimashada afar carruur ah

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In