Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta markale waxa ay shixnad gargaar ah u dirtay Magaalada Baydhabo oo bulshada ku nool wajahayaan xalaad adag kadib markii magaaladas uu ku rogmaday daadad xoogan oo ka dhashay roobka dayrta oo halkaas ka da’ay.
Mucaawinadaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka sameenta ay ka soo gaartay daadadkaas , waxaana hay’adda SoDMA ka go’an caawinta iyo u gurmashada bulshada soomaaliyeed ee iskugu darsoomay fatahaadaha Wabbiyada iyo daadadka El-Niño.
Hore sidaan oo kale hay’adda waxa ay deeq gargaar ah ugu dirtay Magaalada Doolow, sidoo kale ilaa shan doonyood waxa ay u dirtay Gobolka Gedo oo iskugu darsoomen daadad iyo fatahaado uu sameeeyey wabbiga Jubba si loo badbaadiyo Shacabka halkaas ku nool.