Tababarkaan oo ay iska kaashanayaan taaba galintiisa Jaamacadda Gaalkacyo iyo hay’adda UNDP ayaa uga furmay Magaalada Gaalkacyo Qaar ka mida ardayda jaamacadda Gaalkacyo .
Tababarka oo socon doona muddo saddex maalmood ah isla markaana lagu baran doono arrimo la xariira kobcinta awooda bulshada,iyadoo loo marayo fahamka Federaalka iyo Xalinta khilaafaadkaย ย waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed .
Guddoomiyaha jaamacadda Gaalkacyo Injineer Muxyadiin Cabdullaahi Cabdi ayaa ugu horrey ka warbixiyay ujeedka laga leeyahay tababarkaan iyo bulshada loogu tala galay inay ka faa’iideeystaan.Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo aas aasayaashii jaamacadda Gaalkacyo ayaaย sheegay in tababarkaan wax weyn uu kusoo kordhin doono ka qeyb galayaasha .
Mudane Mubashar Maxamed Axmed oo ku hadlay Magaca hay’addaย African development trust ayaa isna madasha ka hadlay,iyadoona ugu danbeyn uu si rasmi ah tababarka u furay duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan.