R/wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabad ay heshiis ku kala saxiixdeen Wasaaradda Beeraha iyo hey’adda WFP kaas oo ku saabsanaa in hey’addu iibsato dalaga ka soo go’ beeraha dalkeenna.
Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay wasiirka Beeraha iyo waraabka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Yariisoow madaxda Barnaamijka cuntada adduunta ee WFP, iyo guddiga beeraleyda Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay raashin Ganleey ah oo WFP ay ka iibsatay beeraleeyda Soomaaliyeed kaas oo cadadkiisu gaarayo 2,500 metric Tone, waxaana wasiirka wasaaradda Beeraha iyo wakiilka WFP ay halkaasi ku kala saxeexdeen heshiis ku saabsanaa in hey’addu ay raashinka ka iibsato beeraleyda Soomaaliyeed halkii marka hore ay ka soo iibsan jirtay dalka dibaddiisa.
Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in lagu guuleystay sidii hey’adda WFP ay u iibsan laheyd dalagyada ka soo go’ beeraha wadanka.
Madaxda hey’adda WFP ayaa iyaguna halkaasi ka qiray in baaritaan ka dib ay xaqiiqsadeen in tayada raashinka Soomaaliya uu yahay ugu wanaagsan dalagyada ka soo baxa wadamada geeska Afrika, wayna hoosta ka xariiqeen in WFP ay iibsan doonto raashinka ka soo go’ beeraha dalka.
R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa soo dhaweeyay heyshiiska ay kala saxiixdeen wasaaradda beeraha iyo WFP isagoo tilmaamay in tani ay dhiirrigelinyso siyaasadda dowladda ee ku wajahan la dagaallanka faqriga.
Heshiiskan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay xukuumaddu Federaalka Soomaaliya ay ku horumatineyso dhaqaalaha dalka isla markaana lagu yareeynayo saboolnimada.