Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiisyo ay kala saxiixdeen beelo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Koofurgalbeed ee Soomaaliya ayaa soo xiray shirka dib-uheshiisiinta dhinacyadii ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo degmada Afgooye lagu soo geb agebeyeey.

Shirka oo ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxaa ka qeyb galay Culimaa’udiin, odoyaal dhaqameed, waxgarad, aqoonyahanno, haween, dhalinyarro iyo marti sharaf kale oo kulanka lagu casuumay.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiirka Dib-u-heshiisiinta ee Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka Cabdiqaadir Nuur Carraale oo shirka ka akhriyay qodobada lagu heshiiyay ayaa sheegay in ay ka koobanyihiin 9 qodob, isagoo ka codsaday dhinacyadii horey colaadda u dhexmartay inay fuliyaan qodobada lagu heshiiyay.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah

In ciddi jebisa heshiiskan lagu qaadi doono xeer ciqaabeedka u degsan Soomaalida iyo kan dowliga ahba.

In goobihii lagu dagaalamay la geeyo ciidamado isku dhaf ah oo isugu jira boolis iyo Nabad sugid.

In tababaro iyo dhaqan celin loo sameeyo maleeshiyaadka hubeysan ee gobolka ku sugan.

In saldhigyada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka loo cayimo goobo ka baxsan meelaha rayidka.

In gar gaar beni’aadanimo loo fidiyo, loona sameeyo barnaamijyo dib u dejin ah dadkii ku barakacay colaadda.

Fududeynta adeegyada geeddi socodka iyo Dhaqangelinta heshiiska u dhexeeya beelaha ku dagaalamay Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa u xilsaaran maamul goboleedka Koonfurgalbeed ee dalka oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo soo xiray shirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in heshiis buuxo laga gaaray colaado ka taagneyd gobolka, isagoo kula dar daarmay inay dhaqan geliyaan heshiiska lagu soo afjarayay colaado soo noq noqday oo gobolka Shabeelaha Hoose ka taagnayd.

Previous Post

Baarlamaanka oo ka doodaya hindise sharciyeedka Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka

Next Post

Wasiirada Cusub oo munaasanad lagu taageerayo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirada Cusub oo munaasanad lagu taageerayo lagu qabtay Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In