Saturday, June 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiisyo ay kala saxiixdeen beelo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 28, 2015
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Koofurgalbeed ee Soomaaliya ayaa soo xiray shirka dib-uheshiisiinta dhinacyadii ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo degmada Afgooye lagu soo geb agebeyeey.

Shirka oo ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxaa ka qeyb galay Culimaa’udiin, odoyaal dhaqameed, waxgarad, aqoonyahanno, haween, dhalinyarro iyo marti sharaf kale oo kulanka lagu casuumay.

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

Wasiirka Dib-u-heshiisiinta ee Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka Cabdiqaadir Nuur Carraale oo shirka ka akhriyay qodobada lagu heshiiyay ayaa sheegay in ay ka koobanyihiin 9 qodob, isagoo ka codsaday dhinacyadii horey colaadda u dhexmartay inay fuliyaan qodobada lagu heshiiyay.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah

In ciddi jebisa heshiiskan lagu qaadi doono xeer ciqaabeedka u degsan Soomaalida iyo kan dowliga ahba.

In goobihii lagu dagaalamay la geeyo ciidamado isku dhaf ah oo isugu jira boolis iyo Nabad sugid.

In tababaro iyo dhaqan celin loo sameeyo maleeshiyaadka hubeysan ee gobolka ku sugan.

In saldhigyada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka loo cayimo goobo ka baxsan meelaha rayidka.

In gar gaar beni’aadanimo loo fidiyo, loona sameeyo barnaamijyo dib u dejin ah dadkii ku barakacay colaadda.

Fududeynta adeegyada geeddi socodka iyo Dhaqangelinta heshiiska u dhexeeya beelaha ku dagaalamay Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa u xilsaaran maamul goboleedka Koonfurgalbeed ee dalka oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo soo xiray shirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in heshiis buuxo laga gaaray colaado ka taagneyd gobolka, isagoo kula dar daarmay inay dhaqan geliyaan heshiiska lagu soo afjarayay colaado soo noq noqday oo gobolka Shabeelaha Hoose ka taagnayd.

Previous Post

Baarlamaanka oo ka doodaya hindise sharciyeedka Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka

Next Post

Wasiirada Cusub oo munaasanad lagu taageerayo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirada Cusub oo munaasanad lagu taageerayo lagu qabtay Muqdisho

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In