Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay ajaanib dalka ku faafineysay Mad habta Shiicada+War-saxaafadeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay ajaanib dalka ku faafineysay Mad habta Shiicada+War-saxaafadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafdeed ay soo saartay hey’adda NISA oo nuqul ka mid ah uu helay Radio Muqdisho ayaa lagu sheegay in howlgal lagu fuliyay Muqdisho lagu qabtay laba nin oo u dhashay dalka Iran kuwaasoo sida la sheegay faafinayay madhabta Shiicada.

Akhriso War-saxaafadeedka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Howlgal ay sameeyeen ciidanka NISA ee gobalka Banaadir waxay kusoo qabteen dad sameynayay Barnmaamij Shiiceyn ah oo isugu jira Iran iyo Soomaali.

NISA waxay ku daba jirtay barnaamijkaan muddo dheer kadibna waxay ciidamada amniga ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaasi oo laga fuliyay magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in barnaamijkaan khatar ku yahay deganaanshaha nabadda iyo caqiidada umadda, iyo dalka.

Hay’adda Al-khumeyni waxay fulineysaa barnaamijkan iyada oo ku gambaneysa isu guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen, barnaamijka shiiceynta waxay ulajeedadiisu tahay fidneynta umadda Soomaaliyeed ee sunniyiinta ah.

Faah Faahin:-

-Magaca Mashruuca: Sida ay sheegteen waa xafladda dhalashada nabiga (SCW) bixinta hadiyad iyo dadka is guursanayo iyo caawinta ciyaaraha.

– Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni ee safaaradda Iran raacsan.

Mas’uuliyiinta Iran

Muxsin Xuseen
Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin
Kuwaas oo sheegtay inay kasocdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, baaris kadibna cadaatay markaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ayna Diblumaasiyiin ahayn.

Midda kale hay’adda Al-khumayni waxay ka fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Moawliid iyo guur wadareedka ay isu guurisay wiilal iyo gabdho.

Gabgabo

Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan ogaannay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay madhabkii Sunniga ee shaaficiga ah oo loo bedalay shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.

Waxaa kale oo ka mid ah barnaamijtooda dad dhallinyaro ah in ay u qaadaan Iran, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaas oo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looguna golleeyahay marka ay dalka kusoo noqdaan in ay faafiyaan shiicada.

Sidoo kale waxay bixiyaan deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad iyo heer Master kuwaas oo ay ka qaadaan jaamadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xiriir wada shaqeyn ah lala.

Nimankaan fulinaya barnaamijkaan shiiceynaya ilaalada gaarka ah ee tawrada Iran.

Sidoo kale waxaa jira howlgallo ay ka sameeyaan gobalada dhexe iyo magaalada Qardho ee Puntland.

Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho.

Waxaa ku saxiisan qoraalkaan taliyaha NISA ee gobalka Banaadir

Korneel C/xakiin Axmed Farey.

baasaboorka-iiraaniyiin

 

 

Previous Post

Daawo Sawirrada: Jowhar oo u diyaar-garoobeysa marti gelinta shirka maamul u sameeynta Sh/dhexe iyo Hiiraan

Next Post

Laba ka tirsanAskarta Kenya oo ku dhintay Weerar ay shabaabku ku qaadeen Xaddka Soomaaliya ay la wadaagto

Next Post
Laba ka tirsanAskarta Kenya oo ku dhintay Weerar ay shabaabku ku qaadeen Xaddka Soomaaliya ay la wadaagto

Laba ka tirsanAskarta Kenya oo ku dhintay Weerar ay shabaabku ku qaadeen Xaddka Soomaaliya ay la wadaagto

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In