Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay ajaanib dalka ku faafineysay Mad habta Shiicada+War-saxaafadeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay ajaanib dalka ku faafineysay Mad habta Shiicada+War-saxaafadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafdeed ay soo saartay hey’adda NISA oo nuqul ka mid ah uu helay Radio Muqdisho ayaa lagu sheegay in howlgal lagu fuliyay Muqdisho lagu qabtay laba nin oo u dhashay dalka Iran kuwaasoo sida la sheegay faafinayay madhabta Shiicada.

Akhriso War-saxaafadeedka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Howlgal ay sameeyeen ciidanka NISA ee gobalka Banaadir waxay kusoo qabteen dad sameynayay Barnmaamij Shiiceyn ah oo isugu jira Iran iyo Soomaali.

NISA waxay ku daba jirtay barnaamijkaan muddo dheer kadibna waxay ciidamada amniga ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaasi oo laga fuliyay magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in barnaamijkaan khatar ku yahay deganaanshaha nabadda iyo caqiidada umadda, iyo dalka.

Hay’adda Al-khumeyni waxay fulineysaa barnaamijkan iyada oo ku gambaneysa isu guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen, barnaamijka shiiceynta waxay ulajeedadiisu tahay fidneynta umadda Soomaaliyeed ee sunniyiinta ah.

Faah Faahin:-

-Magaca Mashruuca: Sida ay sheegteen waa xafladda dhalashada nabiga (SCW) bixinta hadiyad iyo dadka is guursanayo iyo caawinta ciyaaraha.

– Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni ee safaaradda Iran raacsan.

Mas’uuliyiinta Iran

Muxsin Xuseen
Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin
Kuwaas oo sheegtay inay kasocdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, baaris kadibna cadaatay markaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ayna Diblumaasiyiin ahayn.

Midda kale hay’adda Al-khumayni waxay ka fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Moawliid iyo guur wadareedka ay isu guurisay wiilal iyo gabdho.

Gabgabo

Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan ogaannay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay madhabkii Sunniga ee shaaficiga ah oo loo bedalay shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.

Waxaa kale oo ka mid ah barnaamijtooda dad dhallinyaro ah in ay u qaadaan Iran, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaas oo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looguna golleeyahay marka ay dalka kusoo noqdaan in ay faafiyaan shiicada.

Sidoo kale waxay bixiyaan deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad iyo heer Master kuwaas oo ay ka qaadaan jaamadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xiriir wada shaqeyn ah lala.

Nimankaan fulinaya barnaamijkaan shiiceynaya ilaalada gaarka ah ee tawrada Iran.

Sidoo kale waxaa jira howlgallo ay ka sameeyaan gobalada dhexe iyo magaalada Qardho ee Puntland.

Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho.

Waxaa ku saxiisan qoraalkaan taliyaha NISA ee gobalka Banaadir

Korneel C/xakiin Axmed Farey.

baasaboorka-iiraaniyiin

 

 

Previous Post

Daawo Sawirrada: Jowhar oo u diyaar-garoobeysa marti gelinta shirka maamul u sameeynta Sh/dhexe iyo Hiiraan

Next Post

Laba ka tirsanAskarta Kenya oo ku dhintay Weerar ay shabaabku ku qaadeen Xaddka Soomaaliya ay la wadaagto

Next Post
Laba ka tirsanAskarta Kenya oo ku dhintay Weerar ay shabaabku ku qaadeen Xaddka Soomaaliya ay la wadaagto

Laba ka tirsanAskarta Kenya oo ku dhintay Weerar ay shabaabku ku qaadeen Xaddka Soomaaliya ay la wadaagto

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In