Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hiiraan: Askar AMISOM ka tirsan oo xaflad sagootin ah loo sameeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hiiraan: Askar AMISOM ka tirsan oo xaflad sagootin ah loo sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qeyb ka ahaa qeybta 4aad ee ka howl galaysa gobolka Hiiraan ayaa magaalada Beledweyne loogu sameeyay xaflad sagootin ah kaddib markii lagu beddelay askar kale.

Ciidanka la beddelay ayaa ka socday waddanka Ethiopia waxay shaqeynayeen sanad iyo saddex bilood sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka qeyb gashay munaasabadda.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“Shacabka Soomaaliyeed waa idiin abaal  hayaan, midowga Afrikana waa idinku faanayaan,   waxaad qabateen shaqo lagu faani karo”  ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM oo ka hadlay xafladda sagootinta.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa u mahad celiyay dowladaha ciidankooda ku biiriyay howl-galka AMISOM, isagoo tilmaamay in gobolka Hiiraan ay wax badan ka qabteen muddadii ay ku sugnaayeen.

“Waxaan u mahad celinayaa ciidamada AMISOM ee shaqada soo waday muddada dheer, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa Dowladda Ethiopia ka qeyb ahaanshaheeda howl-galkan qiimaha badan” ayuu yiri guddoomiye Hiiraan.

Ciidamo ka socda Jabuuti iyo Ethiopia ayaa ka howl gala gobolka Hiiraan, kuwaas oo ciidanka Soomaaliyeed ku caawiyay in magaalooyin badan laga saaro kooxda Al-Shabaab.

Previous Post

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo saaka Dil ku fulisay askar Ciidanka Xooga ka tirsanaa{DHAGEYSO+SAWIRRO}

Next Post

Taliska Ciidanka Asluubta oo ka digay in la boobo dhulka uu gobollada ku leeyahay

Next Post
Taliska Ciidanka Asluubta oo ka digay in la boobo dhulka uu gobollada ku leeyahay

Taliska Ciidanka Asluubta oo ka digay in la boobo dhulka uu gobollada ku leeyahay

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In