Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hiiraan: Ciidanka xoogga oo jab xoogan u geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Hiiraan: Ciidanka xoogga oo jab xoogan u geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 80-aad gurmadka Qeybta 27aad, Ururka 52-aad  Gurmadka Qeybta 27-aad, Ururka 41-aad Guutada 5-aad Qeybta  27-aad oo si wada jir ah isku kaashanaya ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka sameeyay deegaanno hoostaga Degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Geesiyaasha Ciidanka xoogga Dalka oo adeegsanaya xeeladaha dagaalka ee ciidan ayaa dagaal la galay maleeshiyaadka Argagixisada, waxaana ciidanka ay durba cadowga kala wareegeen deegaanno dhowr ah sida Ceelbacaad iyo kuwo kale.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026

Dagaalka ayaa intii uu socday waxa ay ciidanka xoogga dalka gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo Argagixisada ay ka furteen, waxaana Argagixisada goobta dagaalka ay uga carareen Meydad badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo  dhallinyaro ay soo qaldeen.

31-ka mid ah Maleeshiyaadka Khawaarijta Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanno hoostaga Buula-burte, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Qeybta 27-aad Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Jeneral Axmed Maxamed Calasow Treedisho oo howlgalka hogaaminayay ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalkii maanta ay jab xoogan ugu geysteen dhagarqabayaasha Al-Shabaab, ayna ka furteen 14-qori oo AK-47 ah 1-qori BKM ah iyo 1-qoriga RPG ah.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hooyay howlgalladii ugu dambeeyay ay  maalmihii la soo dhaafeen ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la dardaarmay Guddiga Hirgelinta doorashada Hirshabeelle “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo London kula kulmay dhigiisa dalka Britain oo ay ka wada hadleen arrimo badan

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo London kula kulmay dhigiisa dalka Britain oo ay ka wada hadleen arrimo badan

Ra’iisul Wasaare Rooble oo London kula kulmay dhigiisa dalka Britain oo ay ka wada hadleen arrimo badan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo...

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In