Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Cabdulle Yuusuf ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaaka iyo Isbeddelka Cimilada Dr. Saciid Cali iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dr Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Abraar Dr-Axmed Kadle waxa ayna ka wada hadleen muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya hirgelinta iyo heyadaynta Caafimaad Midaysan