Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo sanadkan ciidamada dalkiisa u dajiyay qorshe cusub

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo sanadkan ciidamada dalkiisa u dajiyay qorshe cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida ay baahisay Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi maanta oo Arbaca ah, Kim Jong Un, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa  daaha ka qaaday hiigsiga ciidankiisa ee sannadka cusub 2023-ka.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa ku dhawaaqay inuu xoojinaayo awoodda difaaca dalkiis, iyadoo sida uu sheegay ay sii kordhayaan xiisadaha kala dhexeya deriskiisa Kuuriyada koonfureed iyo xulafadeeda.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

Dejinta qorsha difaaca Kuuriyada Waqooyi, ayaa lagu go’aamiyay shirkii lixaad ee ballaarinta Golaha Dhexe ee Xisbiga, kaasi oo uu furay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Isniintii la soo dhaafay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madaxda sare ee xisbiga, Sarakiisha Ciidamada iyo xubna kale oo ka tirsan dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Kim uu dejiyay qorshe cusub, si kor loogu qaado awoodaha difaaca, ayna ciidamada isugu diyaarinyaan ka hortaga awoodaha khatar galin karo xasiloonida dalkiisa.

Wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegtay in Madaxweyne Kim, uu qorshahan ugu gol leeyahay sidii meesha looga saari lahaa isu dheellitir la’aan lagu arkay awoodaha Ciidamada kala duwan ee dalkiisa.

Previous Post

Guddigga arrimaha dibada ee golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda X.F.S

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐢...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In