Tuesday, March 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hogaanka AMISOM iyo Xafiiska Qurba joogta ee Wasaaradda arrimaha dibadda oo kulan la qaatay Soomaalida Holland “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hogaanka AMISOM iyo Xafiiska Qurba joogta ee Wasaaradda arrimaha dibadda oo kulan la qaatay Soomaalida Holland “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM, Ambassador Dr. Maman S. Sidikou, oo ay wahliyaan Howlwadeeno ka tirsan xafiiska howlgalka AMISOM iyo Madaxa Xafiiska Waaxda Arrimaha Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaalia Abdulkadir Ahmed Kamtirey, ayaa kulan la qaatay qaar ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan wadanka Holland.

Kulankani oo ka dhacay Magaalada Denhaag ee wadanka Netherlands, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Qurba-joogta iyo Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, ay isaga wareysan lahaayeen xaalada dalka iyo Howlaha AMISOM, islamarkaana uu is-barasho guud u dhex mari lahaa Hogaanka AMISOM iyo Qurbajoogta Soomaalida Holland, waxaana kulanka ka soo qeyb galay xubno ka tirsan madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan wadanka Netherlands.

Related posts

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

March 17, 2026
Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay oo hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyay Sheekh Cumar Cabdulle Qaanse, oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Netherlands, isagoona soo dhaweeyay talaabada hogaanka AMISOM ee ku aadan in ay is-dhex-gal la sameeyaan Qurba-joogta Soomaalida si ay ula wadaagaan talooyinka ku aadan fikirka ay ka qabaan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxa uu sidoo kale umahadceliyay hogaanka xafiiska Qurba joogta ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya kaalinta ay ka geystaan arrimaha qurbajoogta.

Madaxa Xafiiska Waaxda Arrimaha Qurbajooga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya (Office for Diaspora Affairs “ODA”) mudane Abdulkadir Ahmed Kamtirey, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xafiiskiisa uu utaagan yahay sidii uu ugu shaqeyn lahaa Arrimaha Qurbajooga, isla markaana soomaalida ku dhaqan dibaddaha uu ugu dhiira gelin lahaa sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo ka shaqeynta Horu-marinta dalka.

Mr. Kamtirey, waxa uu halkaasi kusoo bandhigay fursado fara badan oo ay Soomaalida Qurbajooga ugu qeyb qaadan karaan, Maalgeshiga, Horumarinta, dib-u-dhiska iyo dhinaca taakuleynta, isagoona ku boogaadiyay Soomaalida Qurbajooga in ay gacan ka geystaan hor-marka la taaban karo ee xilligaan ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, Ambassador Dr. Maman S. Sidikou, ayaa xubnihii kulanka kasoo qeyb galay ugu warbixiyay halka uu marayo howlgalka AMISOM iyo Qorshooyinka u dagsan in ay Hiigsadaan waqtiyada dhaw.

Waxa uu sheegay Danjire Sidikou, in loo baahan yahay iskaashi buuxda oo dhex mara Soomaalida iyo Howlgalka AMISOM, si looga mira dhaliya Qorshaha AMISOM, isagoona Amaanay dadaalada Qurbajooga ee ku aadan dib ugu laabashada iyo sidii ay wax ugu badali lahaayeen dalka Soomaaliya “Soomaaliya waxaa soo gaaray bur-bur aad u xoogan, waxa ay aheyd awoodii Afrika, balse maanta weynu ognahay halka ay joogto, taasina waxaa loogu bixi karaa iskaashi wadajir ah iyo in gacmaha la is qabsado” Ayuu yiri Dr. Maman S. Sidikou.

“AMISOM Howlgalkeedu waa mid fara badan, waxaa qeyb ka ah in aynu taageerno shacabka, tababarida Ciidanka, ka qeyb-qaadashada dhowrista Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Haweenka, Caafimaadka iyo Arrimo kale oo aad u fara badan oo quseeya Arrimaha Bulshada, dadaalkeenu wuu sii socon doonnaa, balse waxaa loo baahan yahay in ay bulshada nagu taageeraan, qurbajooga waa lafdhabarka bulshada” Ayuu raaciyay Dr. Maman S. Sidikou, oo dhinaca kale Amaanay Howlaha Xafiiska Waaxda Arrimaha Qurbajooga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya (Office for Diaspora Affairs “ODA”).

Soomaalidii kasoo qeybgashay kulanka ayaa halkaasi kusoo bandhigay su’aalo isugu jiray dhinaca Siyaasada, Dhinaca Millitariga iyo Bini-aadan-nimada, taasi oo ay si toos ah u weydiinayeen Madaxa AMISOM Dr. Sidikou, iyagoo sidoo kale soo bandhigay Fikrado iyo Aaraa watay dhaliilo iyo Amaan ku saabsan Howlgalka AMISOM.

Ugu danbeyn waxaa shirka soo gaba-gabeysay Drs. Zahra Siyaad Naaleeye oo ka tirsan Haweenka u dhaq-dhaqaaqa Arrimaha Haweenka iyo la dagaalanka gudniinka Fircooniga, waxa ayna umahadcelisay Madaxa AMISOM iyo Madaxa ODA, sida ay xooga u saareen in ay kulan is-fahan la qaataan Qurbajooga Soomaalida si ay halkaasi ugu soo baxdo talooyin iyo fikrado ku aadan dar-dar gelinta Horu-marada ka socda dalka Soomaaliya.

AMISOM-DIASPORA-1

AMISOM-DIASPORA-2

AMISOM-DIASPORA-3

AMISOM-DIASPORA-4

AMISOM-DIASPORA-5

AMISOM-DIASPORA-6

AMISOM-DIASPORA-7

AMISOM-DIASPORA-8

AMISOM-DIASPORA-9

AMISOM-DIASPORA-10

AMISOM-DIASPORA-11

AMISOM-DIASPORA-12

AMISOM-DIASPORA-13

AMISOM-DIASPORA-14

AMISOM-DIASPORA-15

AMISOM-DIASPORA-16

AMISOM-DIASPORA-17

AMISOM-DIASPORA-18

AMISOM-DIASPORA-19

AMISOM-DIASPORA-20

AMISOM-DIASPORA-21

AMISOM-DIASPORA-22

Previous Post

Xarun loogu talagay ergada shirka Mudug iyo Galgaduud oo Cadaado laga furay “Sawirro”

Next Post

Ciidamada Qalabka Sida Oo Galbinaya Raashin Gar-gaar Oo Kaabiga Ku Haya Bula Burde Lana Wareegay Deegaanno Badan

Next Post
Ciidamada Qalabka Sida Oo Galbinaya Raashin Gar-gaar Oo Kaabiga Ku Haya Bula Burde Lana Wareegay Deegaanno Badan

Ciidamada Qalabka Sida Oo Galbinaya Raashin Gar-gaar Oo Kaabiga Ku Haya Bula Burde Lana Wareegay Deegaanno Badan

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

March 17, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Al-Mahasin Foundation, ayaa si rasmi ah maanta gobolka banaadir ka...

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo  lagu soo dhaweeyey UK

Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyey UK

March 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin, oo safar shaqo ku jooga United...

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

March 16, 2026
0

The Ministers of Defense, Ahmed Moallim Fiqi; Education, Culture and Higher Education, Farah Sheikh Abdulkadir; Transport and Civil Aviation, Mohamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In