Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Hoggaamiyaha  Ururka Daacish oo dhaawac culusi soo gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Hoggaamiyaha  Ururka Daacish oo dhaawac culusi soo gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wargeyska Gardian ee ka soo baxa Britain ayaa ka soo xigtay  ilo ku dhowdhow ururka Daacish  in  hoggaamiyaha ururka Abubakar Albaqdaadi uu gabay hoggaaminta ururka, kaddib markii uu dhaawac culusi ka soo gaaray duqeyn diyaaradaha Isbahaysigu u geysteen oo ka dhacday galbeedka dalka Ciraaq bishii March ee la soo dhaafay.

Ilo wareedyadani waxay u  xaqiijiyeen wargeyska Guardian in Albaqdaadi uu qabo dhaawacyo aadu waaweyn oo khatar ku ah noloshiisa, waxayna intaas ku dareen in inkastoo uu dhowrkii maalmood oo la soo dhaafay soo hagaagayay, haddan uusan awood u lahay in uu hago howl maalmeedka ururka..

Related posts

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025

Wararku waxay sheegayaa in hoggaamiyeyaasha kale ee ururka Daacish ay leeyihiin kulammo ay uga arrinsanayaan sidii loo magacaabi lahaa hoggaamiye cusub oo ururku yeesho, ka dib markii ay ku qanceen in ay u badan tahay in Albaqdaadi uu dhaawaca u dhinto.

Diplomaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in weerarka lagu dhaawacay hoggaamiyaha Daacish uu 18-kii  bishii la soo dhaafay ka dhacay meel ku dhow  xadka Suuriya iyo Ciraaq ay wadaagaan.

Warbixinno hore oo soo baxay bilihii November iyo December ee la soo dhaafay ayaa tilmaamayay in  Albaqdaadi uu ku geeryooday duqeymo hore.

Hoggaamiyaha ururka Daacish  Abubakar Albaqdaadi, ayaa aad ugu dadaala in aan la ogaan halka uu ku sugan yahay iyo dhaqdhaqaaqiisa.

Waxa uu markii ugu horreysay ka soo muuqday masjid ku yaalla Magaalada Mousil muddo sanad laga joogo ka hor.

Ururka Daacish ee xagjirka ah, ayaa Ciraaq iyo gobollo ka tirsan Suuriya ka geysta gabood fallo aad u waaweyn oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Daacish waa urur xag jir ah oo magaca diinta ku xasuuqa  dad aad u fara badan.

Kummaan rayid ah oo ka tirsan qowmiyadda Yaziidiyiinta ee laga tirada badan yahay ayay kooxdu afduubatay, iyadoo sheegtay inay addoonsaneyso.

Haween ka badan 3000 oo qowmiyaddaas ka tirsan ayaa wali ku jira gacanta Daacish, waxayna kooxdu kooxdu u qaybisay dagaallamayaasheeda si khasab ah ugu galmooda.

Daacish waa urur Takfiiri ah oo ka farcamay ururka Alqaacidda, waxayna caan ku yihiin fulinta xasuuq wadareedyo ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Dhul ballaaran oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya ayay kooxdu maamushaa, halkaas oo ay dadka ku xukunto gacan bir ah iyo cabburin joogto ah.

Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Shir Caalami ah uga qayb galaya Jabuuti- SAWIRRO

Next Post

Wasiirka dekadaha Soomaaliya: “shirkad laguma wareejin karo dekadda Berbera”

Next Post
Wasiirka dekadaha  Soomaaliya: “shirkad laguma wareejin karo dekadda Berbera”

Wasiirka dekadaha Soomaaliya: "shirkad laguma wareejin karo dekadda Berbera"

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In