Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hoggaamiyihii ugu sareeyay kooxaha argagixisada oo lagu dilay Mozambique

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Hoggaamiyihii ugu sareeyay kooxaha argagixisada oo lagu dilay Mozambique
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gaashaandhigga Mozambique ayaa sheegtay in ciidamadu ay  dileen Bonomade Machude Omar (Ibn Cumar) oo ahaa hogaamiyihii ugu sareeyay kooxaha argagixisada ee ka dagaalanta waqooyiga dalkaasi.

Ninkaan ayaa ahaa hoggamaiyaha kooxaha argagixisada tan iyo sanadkii 2017-kii,waxaana lala dilay labo xubnood oo sidoo kale xiriir la lahaa kooxda Daacish.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Howlgalkii lagu khaarajiyay ragaasi ayaa ka dhacay keymo ku yaalla Macomia maalinimadii talaadada ee la soo dhaafay,sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi mar uu shir jaraa’id qabtay Jimcihii.

Labo sano ka hor, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Cumar u aqoonsatay hoggaamiye argagixiso, iyadoo ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa weerarradii ka dhacay hoteel ku yiillay Palma ee gobolka Cabo Delgado, halkaas oo ay ku dhinteen tobannaan qof.

Bil ka hor ayay ahayd markii ciidamada Mozambique ay qaadeen weerar culus oo ka dhan ah argagixisada iyagoo taageero ka helaya boqolaal askari oo ka kala socda Rwanda iyo dhowr wadan oo ku yaala koonfurta Afrika.

QM ayaa sheegtay in rabshadaha ka socda waqooyiga Mozambique ay ku qasbeen in ka badan hal milyan oo qof inay ka barakacaan guryahooda,iyadoo sidoo kale ay qasab noqotay in la hakiyo mashruuc gaas oo balaayiin dollar ku kacaya.

Previous Post

Wakaaladda Murtida iyo wacyigelinta Qaranka oo qabanaysa tartan Suugaaneed qayb ka ah la dagaalanka Khawaarijta

Next Post

Ciidanka qaranka ee ku Sugan Caws-weyne oo fashiliyey Weerar ay soo qaaday kooxda khawaarijtu

Next Post
Ciidanka qaranka ee ku Sugan Caws-weyne oo fashiliyey Weerar ay soo qaaday kooxda khawaarijtu

Ciidanka qaranka ee ku Sugan Caws-weyne oo fashiliyey Weerar ay soo qaaday kooxda khawaarijtu

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In