Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

HORDHAC: Everton Vs Chelsea – Guus Hiddink oo Chelsea ku bad baadin kara FA Cup-ka & Lix Dhacdo oo kulankan ku saabsan-

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
HORDHAC: Everton Vs Chelsea – Guus Hiddink oo Chelsea ku bad baadin kara FA Cup-ka & Lix Dhacdo oo kulankan ku saabsan-
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

FA Cup- Wareega 8-aad
Kulanka: Everton Vs Chelsea
Garoonka: Upton Park
Saacada: 8:30 habeenimo ee xiliga geeska Afrika

Kabtan John Terry ayay ubadan tahay inuu kusoo laaban doono shaxda Chelsea kulanka ay sideed dhamaadka FA Cup booqaneyso naadiga Everton kadib markii uu dhaawac muruqa ah la maqnaa lixdii kulan ee ugu danbeysay.

Terry oo Chelsea daqiiqadii 98-aad udhaliyay goolkii bar bardhaca ee kulankii horyaalka labada koox ku dhexmaray Stamford Bridge bishii January – ayaan kooxdiisa uciyaarin tan iyo markii ay 5-1 uga badiyeen Newcastel bartamihii bishii February.

Kooxda Chelsea ayaa rajeyneysa kaliya iney koobkan hanato maadaama ay arbacadii kasoo hareen Champions League halka Horyaalka ay kaalinta 10-aad uga jiraan.

Kooxda 7-da mar koobkan haysata ee Everton ayaa ku kalsoon iney wareega xiga gaari doonto, hase ahaatee labada naadi ayaa taariikh wanaagsan ku leh tartankan, Chelsea ayaana Toffees ku garaacday Fiinaalkii sanadkii 2009.

Yaa ka maqnaan kara labada Koox

Weeraryahanka Everton Kevin Mirallas ayaa kulankan ganaax ku seegi doona kadib markii kaarka gaduudan loo taagay kulankii horyaalka ee Hammers.

Leighton Baines ayaa dhanka kale ay ubadan tahay inuu maqnaan doono halka Oviedo uu haysto fursado uu ku ciyaaro.

Tababare Martinez ayaa dhanka kale rajeynaya inuu dib uhelo Gareth Barry iyo Tom Cleverley kuwaas oo xanuunsanaa.

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa shaki weyn uu kku jiraa in kulankan uu dhaawac uga maqnaan doono, halka kubad sameeyaha Eden Hazard uu isna dhib ka haysto gumarka.

Saxiixii Chelsea ee bishii January Alexandre Pato ayaa la filayaa inuu kulankiisii ugu horeeyay usafto Chelsea, halka defender Kurt Zouma uu wali dhaawac ku maqan yahay.

Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay kulankan.

1- Kooxda Chelsea ayaa koobkan lix mar ka badisay Everton kadib 9 mar oo ay kulmeen, waxaana guulahaas kamid ahaa Fiinaalkii Wembley ee sanadkii 2009-kii markaas oo ay 2-1 ku qaadeen.

2- Everton ayaa dhalisay midn sedex gool labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigeeda kula ciyaartay Chelsea, waxaana kamid ahaa guushii 3-1 ahayd ee xilli ciyaareedkan horyaalka ka gaartay.

3- Naadiga The Blues ayaa hormar ka sameysay afartii FA Cup ee wareegiisa sideed dhamaadka, waxaana marka ay usoo baxdo afar dhamaadka ay ku guuleysteen sedex mar oo kala ah (2009, 2010, 2012).

4- Chelsea ayaa shabaqa soo taabatay 7 kamid ah 8-ii kulan ee ugu danbeysay ee koobkan FA Cup-ka waxaana ay dhaliyeen kulamadaas 20 gool.

5- Kooxda macalin Martinez ayaa guul dareystay sedex kamid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay dhamaan tartamada, waxaana kamid ahaa kii ay West Ham 3-2 uga badiyeen todobaadkii hore.

6- Wiilasha macalin Guus Hiddink ayaa guuleystay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay banaanka ku ciyaareen labadaas kulan ayayna ku badiyeen min 2-1.

SHARE

Facebook
Twitter
Previous Post

Man City Oo Taako Kala Kulantay Norwich City

Next Post

Rafael Benitez Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Newcastle United

Next Post
Rafael Benitez Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Newcastle United

Rafael Benitez Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Newcastle United

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In