Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaabka iyo horjoogayaashooda ayaa iska dhiibaya Maamulka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay,kadib markii ay ka soo goosteen argagixisada Shabaab.
Guddoomiyaha maamulka Degmada Buur Hakaba ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn Saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa deeganada K/Galbeed.
Maxamed Ibraahim Aadan guddoomiyaha Degmada Buur hakaba ayaa intaasi ku daray in degmada Buur-hakaba ee gobalka Baay ay iska soo dhiibayn Labo horjooge oo ka tirsanaaย Al-Shabaab,wuxuuna sheegay in ay haatan Gacanta ugu jiraan Ciidamada ammaanka Maamulka Degmada.
โWaxaa ay iska soo dhiibeen ragaan mel degmada Buur-hakaba u jirta Khayaas ahaantii 45 KM,way nala joogaan,waxayna ka soo bexeen fikradii khaldanayd ee shabaabka,runtii firxadka Shabaab,iyo howlgalada socda waxay waxbadan ka tareen amniga degmada iyo deegaanada hoostagaโ, Ayuu yiri guddoomiyaha Buur-hakaba.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyadkan ay ku sugnaayeen dhulka Buuraha ah ee ku yaala deegaanada hoostaga Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay,waxayna ka faaidaysanayaan fursadaha ay siiyeen madaxda Dowladda Soomaaliya ee ah in ay ka soo laabtaan aragtida khaldan ee Xagjirnimada.
Tan ayaa u muuqata in ay ka dhigantahay in ay sii dabar goโayaan maleeshiyada Alshabaab,iyadoo horeyna ay jireen horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo isku soo dhiibay Dowladda.