Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogayaasha iyo Maleeshiyada la dilay 2018-kii

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Beegsiga Horjoogayaasha Alshabaab Waa dabar Go’ooda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hadafka ugu wayn oo ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa ah daadinta Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, laakiin Ciidanka Qaranka oo u taagan Bad-baadinta Shacabka ayaa sanadkii tagay ee 2018-ka cagta mariyay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad dhibaato badan ku haayay shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Horjoogayaasha ciidanka Qaranka ay dileen sanadkii tagay ayaa waxaa ka mid ahaa.

-Horjooge Cali Axmed Guure oo Ciidanka Xoogga ay ku dileen Gobalka Hiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

-Horjooge Magaciisa lagu soo koobay Aruuriyoow oo ay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku dileen deegaanka Araare ee Jubbada Hoose.

-Horjooge Macalin Xuseen oo Al-shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, oo madax u ahaa Maleeshiyo loogu talagalay inay si gaadmo ah ku dilaan Shacabka Muqdisho.

-Horjooge Sayid Abuukareey oo dhibaato badan ku haayay Shacabka oo Ciidanka ammaanka ugu danbayn ay ku dileen degmada Hilwaa ee Gobalka Banaadir.

-Horjooge Xuseen Macalin oo Al-Shabaabka dhexdiisa loogu yeeri jiray Mujaahid Zubeyr oo Ciidanka Qalabka sida ee Xoogga dalka ay ku dileen magaalada Marka.

Inta la ogyahay in ka badan kun maleeshiyaad iyo horjoogayaal Al-Shabaab ah ayay Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya sanadkii tagay ee 2018-ka ku laayeen Howlgalo ay ka sameeyeen deegaano kala duwan oo ka tirsan dalka.

Bishii Juulaay ee Sanadkii tagay Ciidanka Qaranka ayaa howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen bishaasi gudaheeda waxay ku dileen 87-ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Bishii November Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa lix howlgal oo ay ka fuliyeen Gobalka Mudug ayay ku dileen 55-ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jireen Horjoogayaal aanan magacyadooda la xusin.

Howlgal socday mudo 24-saac ah oo dhacay Bishii Janaayo ayaa lagu dilay  38-ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab iyadoo hwlgalkaasi uu ka dhacay deeganada Beerxaani, Kaamjaroon, Araare iyo Jamaamme.

Sidoo kale Afar horjoogayaal ah iyo 30-ka mid ah maleeshiyaadka ma liibaanayaasha ah ee la qalday, ayaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ay ku laayeen degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe bishii december ee sanadkii tagay.

Previous Post

Aqriso: Taariikhda Gudoomiye Ismaciil (Oranjo)

Next Post

Golaha Wakiilada Puntland oo la dhaariyay guddoon KMG ahna doortay

Next Post
Golaha Wakiilada Puntland oo la dhaariyay guddoon KMG ahna doortay

Golaha Wakiilada Puntland oo la dhaariyay guddoon KMG ahna doortay

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In