Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge ka tirsana Shabaab oo lagu dilay deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galguduud+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Ceelgaras oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Horjoogaha la dilay oo lagu magacaabo Faarax Cali Raage ayaa waxaa dilay rag ka carooday madax furasho uu horjoogahani ka qaatay wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan dadka deegaanka kaasoo  in muddo ah uu afduub u heystay.

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Sidoo kale horjoogahan la dilay ayaa muddo Afar sano ah maamulayay deegaanka Ceelgaras, isagoo si xun ula dhaqmay dadka deegaanka, islamarkaana u geystay tacaddiyo iyo xad gudubyo ka dhan ah diinta islaamka.

Tacaddiyada uu horjoogahani u geystay dadka deegaanka waxaa ka mid ahaa,dilal fool xun xarig sharcidarro ah,  karbaash, handadaad,  cabsigelin, madaxfurasho uu ka qaatay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo uu hore u afduubtay iyo dhac baahsan oo uu u geystay dadka xoola dhaqatada ah.

Dadka ku dhaqan deegaanka Ceelgaras ayaa si weyn uga carooday xad gudubyada uu horjoogahaasi ku hayay afarti sano ee la dhaafay, iyadoo dilka horjoogahani ay muujineyso sida dadka ku nool deegaannada ay weli ku harsanyihiin maleeshiyaadka Shabaab ay qaati uga taaganyihiin awaamiirta faraha badan oo ay ku soo rogeen.

Deegaanka Ceelgaras oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa 50 kiilomitir dhanka bari uga toosan degmada Dhuusamareeb oo ah xarunta  gobolka Galgaduud.

Halkan hoose ka dhageyso

120209_016

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 14-9-2016

Next Post

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay xabbad joojinta ka dhaqan gashay dalka Suuriya

Next Post
Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay xabbad joojinta ka dhaqan gashay dalka Suuriya

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay xabbad joojinta ka dhaqan gashay dalka Suuriya

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In