Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay weerar ciidamada Qaranka iyo AMISOM fuliyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Mogadishu – 2 Apriil, 2016:  Horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ee Al-Shabaab, ayaa lagu dilay howl-gal si wadajir ah ay xalay ciidamada Midowga Africa (AMISOM) iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (SNA) uga fuliyeen deegaanka Jannaale oo dhinaca Koonfur ka xiga magaalada Muqdisho.

Taliyaha AMISOM ee Sector One Brig. Gen. Sam Okiding ayaa xaqiijiyey in horjoogahaan Al-shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirashid Buqdube oo ay la socdeen 22 argagixisada ka tirsanaa la dilay, kaddib markii duqeyn cirka  iyo howlgal dhulka ah laga fuliyey goobaha ay argagixisada ku dhuumaaleystaan ee ku teedsan waddada isku xirta Buufow iyo Jannaale.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Tiro kale oo ka tirsanaa argagixisada, ayaa la qaarajiyey labadii maalmood ee u dambeysay kaddib markii ay isku dayeen in ay hor-istaagaan oo ay arbushaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliyeed ee howlaha horumarinta ah sida dayactirka ceelasha iyo nadiifinta waddooyinka ka wada deegaanadaas.

“AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed waxa ay sii wadi doonaan nadiifinta wadooyinkaan, ayadoo ilaa iyo hadda la dhameystiray laba wado oo muhiim ah: Mid ka mid waxa ay isku xirtaa Beledul-amiin iyo Qoryooley, halka tan labaad ay isku xirto Beledul-amiin iyo Shalanbood. Waxaan hadda nadiifineynaa tan isku xirto Buufow iyo Jannaale halkaas oo ay Al-Shabaab iska caabin kala hor-yimaadeen ciidamada” ayuu yiri Brig. General Okiding.

Ciidamada isbaheysanaya (AMISOM iyo SNA) waxa ay wadi doonaan in Al-Shabaab laga sifeeyo deegaannada ay haystaan ee ku xeeran Jannaale, si dadka deegaanadaas looga xoreeyo cadaadiska Al-Shabaab.

“Al-Shabaab isma qarin karaan, waana wadi doonaa in aan u diidno in ay helaan goobo ay ku badbaadaan si dadka looga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab,” ayuu sii raaciyey.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan looga hadlayay musuq maamusaqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay musuq maamusaqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay musuq maamusaqa oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In