Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay weerar ciidamada Qaranka iyo AMISOM fuliyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 2, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Mogadishu – 2 Apriil, 2016:  Horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ee Al-Shabaab, ayaa lagu dilay howl-gal si wadajir ah ay xalay ciidamada Midowga Africa (AMISOM) iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (SNA) uga fuliyeen deegaanka Jannaale oo dhinaca Koonfur ka xiga magaalada Muqdisho.

Taliyaha AMISOM ee Sector One Brig. Gen. Sam Okiding ayaa xaqiijiyey in horjoogahaan Al-shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirashid Buqdube oo ay la socdeen 22 argagixisada ka tirsanaa la dilay, kaddib markii duqeyn cirka  iyo howlgal dhulka ah laga fuliyey goobaha ay argagixisada ku dhuumaaleystaan ee ku teedsan waddada isku xirta Buufow iyo Jannaale.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Tiro kale oo ka tirsanaa argagixisada, ayaa la qaarajiyey labadii maalmood ee u dambeysay kaddib markii ay isku dayeen in ay hor-istaagaan oo ay arbushaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliyeed ee howlaha horumarinta ah sida dayactirka ceelasha iyo nadiifinta waddooyinka ka wada deegaanadaas.

“AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed waxa ay sii wadi doonaan nadiifinta wadooyinkaan, ayadoo ilaa iyo hadda la dhameystiray laba wado oo muhiim ah: Mid ka mid waxa ay isku xirtaa Beledul-amiin iyo Qoryooley, halka tan labaad ay isku xirto Beledul-amiin iyo Shalanbood. Waxaan hadda nadiifineynaa tan isku xirto Buufow iyo Jannaale halkaas oo ay Al-Shabaab iska caabin kala hor-yimaadeen ciidamada” ayuu yiri Brig. General Okiding.

Ciidamada isbaheysanaya (AMISOM iyo SNA) waxa ay wadi doonaan in Al-Shabaab laga sifeeyo deegaannada ay haystaan ee ku xeeran Jannaale, si dadka deegaanadaas looga xoreeyo cadaadiska Al-Shabaab.

“Al-Shabaab isma qarin karaan, waana wadi doonaa in aan u diidno in ay helaan goobo ay ku badbaadaan si dadka looga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab,” ayuu sii raaciyey.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan looga hadlayay musuq maamusaqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay musuq maamusaqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay musuq maamusaqa oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In